Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Xukuumadda Sudan oo laga helay Coronavirus.

Wasiiru-dowlaha Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalkaasi, Haashim Ibnu Coof ayaa laga helay Xanuunka Dilaaga ah ee Coronavirus, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiiradda ee dalkaasi.

Wasiirka oo tan iyo Isbuucii hore Karantiil ku ahaa gurigiisa, waxaa la sheegay in uu Fayriska Koroona ka qaaday mid ka mid ah Ehelkiisa oo qabay COVID 19 kaas oo gurigiisa ku booqday sida ay warisay warbaahinta dalka Suudaan.

Wasiiru-dowlaha Gaadiidka iyo Kaabayaasha Asaasiga ee dalka Sudan waxaa la sheegay inay xaalladiisu soo hagaagayso, isla markaana uu had iyo jeer Nidaamka Maqalka iyo Muuqaalka ku shir guddoomiyo Kulamada Golaha Caafimaadka Degdegga ee dalkaasi ugu qaabilsan Ka-hortaga COVID 19.

Waddanka Suudaan waxa laga diiwaan geliyey 592 Kiisaska COVID 19, iyadoo at 41-qof u geeriyoodeen, halka ay 52 kalena ka bogsadeen, sida laga soo xigtay Xogta Jaamacadda Johns Hopkins University ee ku taalla dalka Maraykanka.