Kenya oo Codsatey Soomaaliya in baaritaan sameeyso sababtii usoo dhacday diyaaradda African Express Airways

May 5, 2020 (Awdinle Online) – Dowladda Kenya ayaa ka codsatay Dowladda Soomaaliya inay baarto sababta keentay inay soo dhacdo duyuurada African Express Airways oo laga leeyahay dalka Kenya, taasoo shalay ku dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha Bardaale.

Diyaarada ayaa siday sahay gargaar caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado  Covid-19, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee saarnaa.

Fariinta loo soo dirtay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, ayay Kenya ku codsatay in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo shilka, iyadoo ka digaysa inay arrintaan waxyeelo u geyso gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Kenya waxay boorisay diyaaradaheeda iyo kuwa gobolka inay kordhiyaan feejignaan dheeri ah marka loo fiiriyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya iyadoo la shaqeynaysa hay’adaha kale waxay ku baaqday in si dhaw loola socdo baaritaanka dhacdadan naxdinta leh.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomar” ayaa sheegay in dowladdu u dirayso koox baaritaan iyagoo kaashanaya kaalmada caalamiga ah.