Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug Diyaarad qaadi laheyd oo Muqdisho ku xanibay

Waxaa muddo saacad ah garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad yar oo u kireysneyd wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiirada cusub ee Galmudug.

Diyaaraddan ayaa waxaa xubnaha ay garoonka Muqdisho ka qaadi laheyd ka mid ahaa Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Qorsheynta C/naasir Geelle iyo xubno kale, kuwaasoo ku sii jeeday Dhuusamareeb.

Diyaaradda oo ogolaansho ka heysatay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa la sheegay inuu is hor-taagay Taliyaha Nabadsugida ee Garoonka Muqdisho oo ku dooday inuu amar sare uu ku fasaxayo diyaaradda.

Dood iyo muran ka dhashay xayiraadaas ayaa waxaa soo farageliyay Maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo su’aal ka keenay awoodda Taliyaha uu isku hor-taagi karo diyaaradda, maadaama ay heysato fasax Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Intaas kaddib diyaaradda ayaa loo ogolaaday inay ka dhoofto garoonka Muqdisho, iyada oo ku sii jeeday magaalada Dhuusa Mareeb.

Taliyaha Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hoos-taga Taliska Guud Nabadsugida Qaranka, waxaana u xil saaran yahay howlaha amniga iyo la socodka dhaq dhaqaaqyada garoonka diyaaradaha, waxaana taliyaha Nabadsugida ee Garoonka dhowr bil xilka u magacaabay Kaaliyaha Taliyaha NISA C/llaahi Kulane ahna Taliye kuxigeenka qarsoon ee NISA.

Diyaaraddaha isaga kala goosha magaalooyinka dalka ayaa isugu jira kuwa u kireysan hey’adaha iyo kuwa mas’uuliyiinta u raaca, iyadoo aanay jirin diyaarad rakaab ah oo isaga kala goosha gobolada dalka, tan iyo markii la hakiyay duulimaadyada dibadda iyo gudaha, sababo la xiriira faafitaanka Cudurka Coronavirus.