Abiy Axmed oo sheegay inay qaadayaan tallaaho dhanka Amniga ah

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya.

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.

“Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.”

“Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.”

Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri:

“Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.”