Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Masar iyo Jaamacadda Carabta oo Geeriyoodey

May 10, 2020 (Awdinle Online) – Allah u naxariistee waxaa saaka isbitaal ku yaala dalka Kuwait ku geeriyoodey danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ahaa Safiirkii Dowladda  federalka ah ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar.

Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa ahaa diblomaasi waayo arag ah, oo in mudo ah kasoo shaqeeyey Wasaaradda arimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya laga Bilaabo 1970kii ilaa wakhtiga 2020.

Allah u naxariistee danjire Cabdiqani waxaa la sheegeyaa inuu u geeriyoodey cudurka macaanka oo in mudo ah  uu la noolaa.

Diblomaasiyiinta ay soo wada shaqeeyeen danjire Cabdiqani waxay ku tilmaameen inuu ahaa shaqi aad u qiimo badan oo u tababaran shaqadiisa.

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.