Madaxda Dowladda oo looga digay dib u dhigista doorashada

War kasoo baxay Hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG ayaa laga digay xasadaraha ka dhalan kari haidi Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku dayaan inay dib u dhigaan doorashada soo socota ee sanadka 2021.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankasta oo madaxda dowladda ay ku doonayaan inay dib ugu dhigaan doorashada ay keeni karto khatar weyn oo halis gelin karta dowladnimada Soomaaliya oo dhismaheeda uu socdo,iyada oo sabab looga dhigayo Cudurka Coronavirus.

“Waa khatar kale oo wyen hadii Madaxda Dowladda Soomaaliya ay si mdeysan isugu raacaana in dib loo dhigo doorashada,waxaana ugu baaqeynaa dowladda Soomaaliya inay joojiso qorshaha ah dib u dhigista howlaha doorashooyinka Soomaaliya iskana ilaalisaa khalalaaso siyaadeed oo ka dhaca Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho qof iyo Cod ah,sla markaana aysan muuqan u diyaar garowga doorashada.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in sababo la xiriira Cudurka Coronavirus aan loo hakin karin dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab iyo in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya markii uu dhamaado muddo xileedka Madaxda Dowladda Federaalka.