Muqdisho Maxay Ku Mutaysatay In La Saaro Culeys?

Haddii aan ku bilaabo in aan sharraxaad kooban ka bixiyo macnaha mowduuca kor ku xusan oo aan oo u la jeedo in Magaalada Xamar isu socodkeeda iyo horumarkeeda wixii caqabad ku ah laga dulqaado gaar ahaan marka ay jiraan Shirarka waawayn ee Dowladda, Munaasabadaha Qaranka, Imaashaha Madaxda Dowladaha kale, shirarka Beesha caalamka dhinac ka tahay ama shirarka caalamiga ah oo ay martigaliso Dowladda Soomaaliya sida IGAD, kulamada Baarlamaanka, Xukuumadda ama qayb kamid ah, doorashooyinka Federaalka iyo arrimaha kale oo dhan oo saamayn ku yeelanaayo Magaalada Xamar inay isku furnaato. Si magaalada Xamar culeyska looga dulqaado waxaan halkaan ku soo jeedinayaa in Magaalo kale ama dhulalka kale ee bannaan laga sameeyo xarumo iyo xafiisyo loo qorsheeyay inay ka dhacaan shirarka caalamiga ah ama ay ku shaqeeyaan xafiisyada qaar ee dowladda sida Xukuumadda ama qayb ka mid ah iyo baarlamaanka, ma na jecli inaan sheego magaalo gooni ah ee magaalo un.

Waxaa igu kalifay inaan maqaal kan qoro waxaa weeye kadib markii aan dhowr jeer oo badan arkay in shirarka aan kor ku soo xusay ay saamaynayaan magaalada dhinacyo badan sida Waxbarashada, Dhaqaallaha, Caafimaadka iyo isu-socodkadadwaynaha, oo waxaa xusid mudan in dadwaynaha ku nool magaalada Xamar ay aad u badanyihiin taasi badalkeeda na ay fiicantahay in la abuuro magaalo kale oo ay ka dhacaan shirarka si aysan u saamaynin dadka si walba oo amaankeeda loo adkeeyo una gaar  ah shirarka iyo Xafiisyada qaar ee dowladda.

Hadda ba maxaa igu kalifay inaan dhaho halla abuuro magaalo kale si culeyska looga dulqaado magaalada Xamar? Si aan taas ooga jawaabo waxaan halkaan ku xusi doonaa sababo dhowr ah ee bal ila dhuux, kadib na waxaan jawaab u helli doonaa inay Xamar mudantahay in culeyska laga dulqaado iyo in kale.

  • Waxbarashada

Marka laga hadlaayo waxbarashada iyo Magaalada Xamar, aniga waxay igu leedahay saamayn oo dugsiga sare iyo heerka 1aad ee jaamacadda waxaan ku qaatay magaaladan Xamar ee dulqaadka badan. Marka laga hadlaayo waxbarashada iyo Xamar, xamar waxaa ku yaallo iskuulo, Jaamacado, iskuulada gaarka ah ee lagu bixiyo maadooyinka gaar ah sida Luuqadaha iyo takhasusaadka gaar ah, sidaas darteed waxaa xamar ku yaallo Jaamacado aad u tiro badan, iskuulada caadiga ah iyo iskuulada gaarka ah warkooda iska ba daa oo tiro ma leh, hadda na Jaamacadaha ugu badan ee Xamar waxay ku yaallaan Degmada Hodan oo ah degmo ku taallo halbowlaha magaalada Xamar.

Jaamacadahaas tirada badan waxaa dhigto arday badan oo rabo inay mustaqbalkooda u hagaajiyaan si fiican, hadda na arrimaha aan kor ku soo xusay oo ay ka mid yihiiin in waddooyinka loo xiro shirarka qaar ee ka dhacaayo magaalada ama Imaashaha madaxda dowladaha caalamka ama inuu Madaxwaynaha soo baxo oo sidaas waddooyinka loo xiro illaa uu howshiisa ka guto, hadda na marka aad dhinac kale ka eegto waxay waddooyinkaas la xiray keeni inuu soo daaho Macalinka ama ardayda ama inay baaqato xiisadda oo waxaa ba dhacda in waddooyinka ay xirnaadaan maalin ka badan marka ay booqasho ku yimaadaan madaxda shisheeye ama ay dhacayso doorashada federaalka, dhinac kale marka aad ka eegto magaalada xamar sanad walba waxaa gobolada dalka ooga yimaado arday badan oo rabo inay sii wataan waxbarashada heerka Jaamacadda, dhinac kale marka aad ka eegto waxaa magaalada yimaado aqoonyahanno rabo inay wax ka dhigaan goobaha kale duwan ee waxbarashada Magaalada Mogadishu. Ardaygii dhiganaayay Iskuul/ jaamacad ku taallo Zope ama KM5 oo na dagan Ceelasha biyaha ama Madina salkeeda ama Degmada Kaaraan haddii waddooyinka loo xiro shir ama imaashaha madaxda dowladaha shisheeye meeqo saac bay ku qaadan inuu soo gaaro goobtiisa waxbarashada?

Kaba soo tag shirarka iyo Imaashada Madaxda dowladaha kale oo kuwaas saas ba uma badno ee waxaa ka daran marka uu madaxwaynaha soo baxo uu na rabo meel un waxaa la xiri waddada ka soo baxdo Madaxtooyada Soomaaliya illaa goobta uu rabo, waddooyinka na way xirmayaan illaa uu madaxweynaha ku laabto Xafiiskiisa, aniga ahaan marka aan maqlo waddo hebel waxaa loo xiray Madaxwaynaha waxaan dhahaa, “Madaxweynaha muu iskaga jiro Madaxtooyada”.

Ma dhihi karno maalin walba madaxweynaha muu iskaga jiro madaxtooyada ee waxaa mudan inaan dhaho Xamar waxay mudantahay in culeyska laga dulqaado si ay u noqoto goob waxbarasheed oo arday walba si fudud ku tago goobtiisa waxbarashada si aysan ooga baaqan cashirada.

  • Dhaqaallaha

Magaalada Xamar marka aad dhinac kale ka eegto waa magaalo ganacsiyeed oo waxaa ku taallo Dekad wayn oo Alaabta looga soo dajiyo Suuqa Bakaaraha, Suuqa Xamarwayne, goobaha ganacsi ee kale iyo In loo sii gudbiyo Alaabaha qaar Gobolada ku xeeran Gobolka Banaadir. Waxaa kale oo aad arkaysaa Dukaamo waawayn oo gado Jumlo iyo kuwa kale oo gado Tafaariiq, sida oo kale waxaa jira ganacsiyo yaryar ah oo Hooyo Soomaaliyeed ama Wiil iyo Gabadh dhallinyaro ah ay la fadhiyaan agagaarka Laamiga ama Suuqyada Waawayn dhexdooda. Ganacsiga yaryarka ah oo iskugu jiro kuwa miisleeyda ah, Daba-kaayooyinka iyo Alaabaha yaryarka ah ee laamiga lala fadhiyo ee aan dhamaantood la xusi karin.

Marka laga soo tago Ganacsiga waawaynka, waxaa ka badan Ganacsiga yaryarka ah marka aad fiiriso, hadda na ganacsiga Soomaaliya wuxuu ku tiirsanyahay wixii maalintii la shaqeeyo oo qofka miiska uu u yaallo Laamiga wixii maalintii uu shaqeeyo ayuu habeenkii reerkiisa kula noqdaa sida oo kale waxaa jira Daba-kaayooyin ku yaallo Xaafadaha sida kuwa gado Qudaarta oo maalintii looga soo adeego ama ku tiirsan Suuqyada waawayn. Marka Qofka ku leh Dukaan yar xaafadda oo subaxdii u soo adeegan jiray haddii subaxdaas la dhaho Waddooyinka waa xiranyihiin oo shir hebel baa jiro ama Madax hebel baa imaanayso muxuu maalintaas shaqayni?

Oo waxaan horay u soo xusay in qofka noocaas oo kale ah maalintii waxa uu shaqeeyo inuu reerkiisa ku celin jiray nolol ahaan ama qofka ku leh ganacsi yar laamiga agtiisa oo na dagan meel fog sidee buu ku soo gaari ganacsigiisa?

Ama Dukaamada waawayn ee laga soo qaato Jumlada si tafaariiq looga dhigo maalintaas sooma qasaaraayo oo kan gado xataa taraafiiqda maalmaha waddooyinka la xiro yaa wax ka gadan? Marka aad waydiimahaas oo dhan fiiriso sooma la dhihi karo waddooyinka oo xirnaado maalmo kooban waxay saamayn ku yeelanayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed?

Dhinac walba oo aad ka eegto ganacsiga wayn ama kan yar, majirto cid uusan saamaynaynin maalintii ama maalmaha la xiro waddooyinka ee laakin saamaynta way ku kala badanyihiin. Waxaa xaqiiq ah in inta qofka Soomaaliyeed uu halgan kula jiro shaqada maalintii ah uusan Dhaqaallaha dalka kobac yeelanaynin oo xaalka saas buu ahaan oo waliba xusid mudantahay saacadaha la shaqeeyo oo kooban, balse haddii qofwalba oo ganacsada ah uu dareemo inuu shaqaysan karo maalin walba iyo saacadda uu rabo asiga oo wax caqabad ah la kulmeynin waxaan aaminsanahay in Magaalada Xamar ama guud dalka uu gaari lahaa isku filnaasho bulsheed iyo horumar ganacsiyeed, marka si taas loo xaqiijiyo sooma mudna inaan dhaho Xamar culeyska ha laga dulqaado si ay u noqoto magaalo ganacsiyeed?

  • Caafimaadka

Caafimaadka wuxuu aasaas u yahay qofka bini’aadamka ah oo qofka haddii uusan lahayn caafimaad ma qabsan karo waxyaabaha ku xeeran noloshiisa sida inuu waxbarto, ganacsado, iyo inuu shaqaysto oo intaas oo idil waxaa u diidaayo caafimaadkiisa oo xun balse, magaalada Xamar waxaa ku yaallo Isbitaallo waawayn oo isku jiro kuwa guud iyo kuwa gaar ah, qaar kamid ah Isbitaaladaas waxaa iska kaashtay dhismahooda Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkey sida Isbitaalada Digfeer iyo Yerdemili.

Isbitaalada kala duwan ee ku yaallo magaalada Xamar waxaa si joogto ah u isticmaalo dadka ku dhaqan Xamar, sida oo kale waxaa ku tiirsan dadka ku nool Gobolada ku xeeran Magaalada Xamar iyo deegaano kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Marka qofka xanuunsanaya ma u qalantaa in la yiraahdo maanta magaalada waa xirantahay oo barnaamij hebel baa ka jira?

Si guud waa maya, balse waxaa dhaammo oo xataa socon kara qofka caadiga ah ee u socda Waxbarasho ama ganacsi ee qofka marwalba wuxuu u baahanyahay gaari uu raaco marka uu xanuunsan yahay si uu gaaro goobta dhakhtarka.

Haddii aan dhahno waxaa diyaar ah Ambalaas, hellitaanka Ambalaasta lama damaanad qaadi karo ee laakin waxaa la damaanad qaadi karaa inuu hellaayo gaari caadi ee xataa haddii uu hello gaari caadi ah oo soo qaado su’aasha waxay tahay xaguu mari? Ma cirka mise dhulka? Ma sheegin haddii qofka la socda uu wato Aqoonsi dowladeed oo kadib na la sii daayo gaarigiisa si uu u gaaro goobta dhakhtarka balse waxaa xusid mudan in qofwalba uusan haysanin Aqoonsi dowladeed ama Aqoonsi ay Booliska ku qancayaan.

Aniga oo qiimaynaayo Isbitaalada ku yaalo Xamar ee illaa xad tayo leh, deegaanno badan na ku tiirsan yihiin Istibaalada Xamar iyo deegaano aan ba la hayn Isbitaallo tayo leh oo qofkii xanuunsado loola soo ordaayo Xamar, sooma habboona inaan dhaho aniga oo og in Waddooyinka halbowlaha u ah magaalada loo xiro shirarka iyo howlaha kale duwan ee aan kor ku soo xusay, Xamar ha laga dulqaado culeyska oo arrimaha kale duwan ee keenaayo in waddooyinka loo xiro ha loo weeciyo magaalo kale oo u gaar ah si Magaalada Xamar ay u noqoto magaalo ay gargaarka caafimaadka u soo doontaan deegaannada ku xeeran iyo kuwa kale ba inta ay ka helayaan goobo caafimaad oo heer sare ah?

  • Isu-socodka Magaalada

Marka laga hadlaayo isu-socodkamagaalada wuxuu saamayni dhamaan howlaha kale duwan ee bini’aadamka uu qabto sida Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka iyo shaqada. Isu-socodkama aha kaliya wax taabannaayo hal meel ee dhamaan dadka ayuu taaban oo rabo inay u kala gudbaan goobo kale duwan oo ku yaallo Magaalada Xamar, isu-socodkawuxuu aas’aas ah u yahay nolosha dadka qayb wayn na wuu ka qaataa. Si isu-socodkaloo xaqiijiyo waxaa habboon in xal loo raadiyo waxyaabaha caqabadda ku ah ee qaarkood aan kor ku soo xusay sida Shirarka iyo qaabilidda madaxda Dowladaha shisheeye ee ayagga dartood waddooyinka loo xiraa.

Markuu isu-socodkaistaago wuxuu saamayni kii u socday Waxbrasho, ganacsi, shaqo iyo IWM, si lamid ah bulshada way isku tiirsantahee wuxuu saamayni baabuurta dadwaynaha, Bajaajta oo isu-socodkadadwaynaha ka faa’iidaysta oo si fudud ku geeya meesha ay rabaan, oo dhinac kale marka aad ka eegto haddii waddooyinka la xiro wuxuu saamayn ku yeellan kuwa ka shaqeeya baabuurta iyo Bajaajta oo wixii maalintaas ay shaqeeyaan kula laabta reerka nolol ahaan oo waa anigii horay u soo sheegay in Bulshada Xamar badankeeda ay halgan wayn kula jirto nolosha maalintii ah.

Nolosha maalintii ah dadka ku tiirsan ayaa aad u faro badan, oo waxaa jira dad degan Xamar daafeheeda oo gaarsii illaa Afgooye oo Xamar u soo shaqo tago, si lamid ah na dad waxaa jira Xamar degan oo u shaqo tago Xamar daafeheeda oo yacni waxaan ka wadaa Xamar waa Magaalo isku socodkeeda haddii la fudeydiyo ay dad badan u fududaan lahayeen howlahooda inay qabsadaan. Haddii aan warka soo koobo, Xamar isku socodkeeda oo la fudeydiyo oo qofka jooga Xamar uu si fudud ku tagi karo meesha uugu fog laga na ilaaliyo caqabadaha ku xeeran oo keenaayo in waddooyinka la xiro sooma habboona inaan dhaho Xamar culeyska ha laga dulqaado?

Gabagabo

Marka aan leeyahay Xamar culeyska ha laga dulqaado macnaheeda ma aha inaan oo la jeedo caasimadda dhan hala raro ee macnaha guud wuxuu yahay in arrimaha caqabadda ku ah Xamar sida, Shirarka waawayn ee Dowladda, Munaasabadaha Qaranka, Imaashaha Madaxda Dowladaha kale, shirarka Beesha caalamka dhinac ka tahay ama shirarka caalamiga ah oo ay martigaliso Dowladda Soomaaliya sida IGAD, kulamada Baarlamaanka, Xukuumadda ama qayb ka mid ah, doorashooyinka Federaalka iyo arrimaha kale oo dhan oo saamayn ku yeelanaayo Magaalada Xamar inuu isku socodkeeda istaago. Xamar waa meesha uugu dadka badan marka loo eego magaalooyinka kale ee Dalka oo waa magaalo horumar ahaan na soo kobceyso, waa na magaalo ay ku tiirsanyihiin dad badan.

Dadka qaar baa laga yaabaa inay la yaabaan oo ay dhahaan waan ba garannay arriimaha kale ee aad soo xustay ee bal maxaa ka rabtaa in la raro Xukuumadda ama qayb ka mid ah? Xukuumadda ama qayb ka mid ah sida Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dhib noogu filan marka uu soo baxo oo waddooyinka loo xiro tusaalleh, madaxwaynaha marka uu u safraayo shaqo waxaa loo xiraa Waddada ceelgaabta illaa Garoonka diyaariyaha, marka Waddada ka baxdo ceelgaabta illaa garoonka diyaaradaha markii la xiro waxay saamayni isu-socodka3 degmo oo kale ah Xamarwayne, Xamarjajab iyo Waabari, kaba sii daran haddii uu kormeer ku tagaayo xarumaha qaar ama uu Qaabilaayo Wafdi caalami ah oo wafdiga na uu joogaayo ugu yaraan maalin.

Wax dunida ku cusub ma aha in xukuumadda ama qayb ka mid ah dowladda ay ku shaqayso magaalo kale oo waxaan tusaalleh u soo qaadan karnaa Wadanka Netherlands xukuumadda waxay ku shaqaysaa Magaalada (Hague) halka caasimadda tahay na Amsterdam, waxaa kale wadanka Malaysia caasimadda waa Kuala lumpur laakin xukuumadda waxay ku shaqaysaa Magaalada (Putrajaya), sida oo kale Wadanka Koonfur Africa caasimadda waa Pretoria laakin baarlamaanka wuxuu ku shaqeeyaa Magaalada (Cape town).

Ugu danbayn, dadka qaar baa dhihi doona waxa magaalada isku socodkeeda uu u liita waxaa sabab u ah amaanka, balse amaanka waa arrin guud oo dalka dhan saamaynayso wallow ha kala darnaadee balse waxaan aaminsannahay haddii arrimaha aan kor ku soo xusay iyo kuwa kale ba ee caqabadda ku ah Magaalada Xamar loo weeciyo maagalo kale in xataa amaanka uu roonaanaayo balse waxay su’aal ka imaanni lacagta lagu dhisaayo xarumaha dowladda ku shaqayni doonto oo laga dhisaayo magaalo kale xagee laga keenni? Su’aashaas jawaabteeda waxaa la helli marka la isku waafaqo in Xamar culeyska laga dulqaado si ay u noqoto magaalo lagu soo hirto oo ka jawaabta baahida dadweynaha kala duwan.

W/Q: Cilmi baare Yusuf A. Abubakar