Xariga Gudoomiyihii degmada Garbahaareey oo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ka hadlay

Jubaland City Flag On Flagstaff, Country Somalia, Isolated On White Background, 3D Rendering

Shalay waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay xireen guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe lana keenay magaalada Muqdisho,kadib markii uu diiday in uu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub ee degmadaas.

Guddoomiye kuxgeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna kusimaha Guddoomiyaha Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ugu Magacaawnaa Maamulka Jubbaland ee Iimaan Cadow Kaarshe balse uu diiday xilka qaadstaas.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay khalqal siyaasadeed ka wado gobolka Gedo,isla markaana ay burburisay Hay’adihii iyo Maamuladii ka jiray Gobolkaas.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay si afduubtay ah Magaalada Muqdisho ugu soo qaadeen Guddoomiyihii degmada Garbahaareey ugu Magacaawnaa Maamulka Jubbaland ee Iimaan Cadow Kaarshe,kadib markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyey.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhamaan Maamuladii ka jiray degmooyinka Gobolka Gedo Guddoomiyeyaashoodii si awood ah xilalkii looga qaaday loona dhiibay xubno ay keensatay Dowladda Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in xorriyadiisa la siiyo Guddoomiyihii degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe.