Madaxweyne Deni oo Magacaabey Taliyaal Ciidan

May 14, 2020(Awdinle Online) –Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada,kadib markii dhawaan uu is casilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com