Waa noocee habka la doonayo in doorashadu u dhacdo?

Dal walba sida uu u yaal qaabdhismeedkiisu, siyaasaddiisa, xasilloonidiisa iyo is aamminka bulshadiisa iyo doowladiisa waxaa qaabeeya hannaanka uu dalkaasi u samaysmo. Waxyabaha saameeya dalka oo aan waligiis ka harin waa jidka uu raaco marka uu dhismayo, tusaale in uu dalku qaato hannaanka madaxwayne-nimo (Presidentialism), ama baarlamaaniga (parliamentarianism). Xulashada habka doorashooyinka sida doorashada matalaadda isku dheelitiran (Proportional representation) ama doorashada u horeeyaa guulaystay (First-past-the-post) oo ah mid ay isticmalaan wadamada labada xisbi leh.

Soomaaliya oo ah dal ay dib u dhigtay aqoon la’aan doowladnimo awgeed. Wali waxaa muuqata in aysan dadka siyaasadda ku jira badankood dareensanayn muhiimadda dib u qabaynta dalka iyada oo laga fakarayo qaabdhismeed doowladnimo oo jiilasha danbe u horseedi kara is aamin iyo xasilooni, kana hortagi kara burbur iyo dagaal kale.

Hadda waxaa socota dood ah in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo. Baarlamaanku waxa uu meel mariyay sharci doorasho oo la doonayo in xubnaha baarlamaanka lagu soo doorto. Waxaa jirtay laba hab doorasho oo la isku soo qaaday, ugu danbayn mid ayaa Baarlamaanku u codeeyay. Waxaan qormadaan kugula wadagayaa farqiga u dhaxeeya labada hannaan doorasho ee dunida ugu caansan, ee laga dooday in midkood dalku qaadato hadda. Qormadaan uga hadli maayo doorsho ma dhici kartaa iyo waa dhici kartaa. Kuma soo qaadi doono in aan amni jirin, iyo in aan dalku is raacsanayn iyo waliba in aan tirakoob dadwayne la hayn. Waxaas oo dhan marbay saxmi karaan ee waxaa aniga igala muhiimsan habka doorashada oo lagu baraaruggo samaynta ay ku yeelan doonto jiilka danbe. Quraanka alif ka qaloocdda albaqro kama tooso.

Habka doorashada ee u horeeyaa guulaystay (Frist-past the post). Waxa uu ka midyahay hababka ugu duqsan ee dunidu soo adeegsatay, waxaane hadda adeegsada ilaa 43 waddan oo uu ka mid yahay Ingiriisku in ay ku soo doortaan xildhibaanada aqalka hoose. Habkani waxa uu dalka u qaybiyaa degmooyin iyada oo halkii degmaba loo asteeyo in uu hal xildhibaan ka soo baxo (Single-member constituencies). Marka, tusaale dhoowr xisbi ku tartamaan degmada, oo hal xildhibaan kali ah in uu ka soo baxo la ogalyahay, kama dhignno in qofka guulaysanaya laga rabo in uu ku badiyo boqolkiiba kontan iyo koow (50+1 ), ee waa in uu u cod bato tartamayaasha. Tusaale waxaa halka kursi ku tartamay saddex qof, qofka koobaad waxa uu helay 35%, kan labaad 34%, kan saddexaadne 32%. Hannaankani waxa uu guusha siinayaa qofka helay 35%. Taasi waxa ay ka dhigantahay in codka degmada laga tuuray 34%+32%= 66% uusan haysan xildhibaanka codka degmada ku soo baxay, taas oo ka dhigan in uusan haysan taageerada inta badan dadka deegaankaas. Ujeedka hannaankaan waa in la sameeyo aqlabiyada gacan ku rimis ah (Manufactured majority). Waxaa suura gal noqonaysa in xisbi aan ku soo bixin aqlabiyad uu dhisto doowlad aan cidi la wadaagin, doowladdaas oo aan haysan kalsoonidda inta badan shacabka, hasayeeshee hannaankan gacan ku rimiska ahi aqlabiyad siiyay.

Dadka u doodo habkaan waxa ay ku doodaan in uu yahay hab sahlayo in la helo xisbi aan xukuumadda lala wadaagin, si u barnaamijkiisa siyaasadeed u fushado buuq la’aan baarlamaanka dhexdiisa. Ma ahan hab u wanaagsan waddan dadkiisu is qilaafsanyahay, dimuquraadiyaddiisu dhismee, siyaasiguusu bislayn.

Hannaanka matalaadda isku dheeli tiran (Proportional representation). Habkani waxa uu ogolaanayaa in degmada ay ka tartami karaan xildhibaanno dhoowr ah (Multimember constituencies). Waa hab inta badan Yurub laga adeegsado. Xisbiyadu marka ay ku tartamayaan kuraasta baarlamaanka waxaa jira laba hab oo la adeegsado. Kan koowaad waa liiska furan (Open list) oo ah in warqadda codaynta ay xisbigu ku soo qortaan xildhibanada uga tartamayo degmada, taas oo u saamaxaysa in ay dadku doortaan magaca qofka ay rabaan. Kan labaad waa liiska xiran (Closed list) oo macniihusyahay in aad u codaynaysa magaca xisbiga oo kali ah, hadhoow xisbiga ayaa go’aansanaya qofka xildhibaanka ay siisanayaan. Habkaan sidoo kale waxa uu leeyahay in waddanka oo dhan laga dhigi karo hal deegaan doorasho (One constituency), taas oo macnaheeduyahay in xisbiyada looga codaynayo waddanka oo dhan, kadibne xisbigu isagu xildhibaanadiisa magacaawdo isaga oo ku jaangooynaya codadka guud ee uu helay. Habkaan waxaa adeegsada Israa’iil.

Hannaanka matalaadda isku dheelitiran waxa uu leeyahay xad xisbigu hadduusan soo gaarin uusan kursi ka heli Karin baarlamaanka, kaas oo shardi ka dhigayo in uu xsibigu boqolkiiba in ka helo guud ahaan codadka laga dhiibtay waddanka (Electoral threshold). Tusaale Norway waa 4% halka Germany ay ka tahay 5%. Xisbiyada qaar waxaa ku adkaata in ay soo garaan xadkaan. Waa meelaha u baahan in laga heshiiyo si loo go’aamiyo xadaynteeda.

Habkani waxa uu soo saraa doowlad wadaag ah oo xsibiyo badani ku shiraakoobi karaan, maadama ay adagtahay in hal xisbo aqlabiyad helo. Waxa uu ka qayb qaadan karaa xasilloonida siyasadeed ee dalka, maadama aragtiyo badan ay matalaad ka helayaan baarlamaanka. Hannaankani waxa uu soo saraa doowlad ku dhisan is ogol iyo isla guddoomin halka hannaanka kore uu soo saaro doowlad is maquunin iyo isteerinka ha’ila taaban.

Doorshada waxa ugu dhib badan oo marka dhabtu timaado qofku ogaanayo in aysan iska sahlanayn, waa marka la isla soo gaaro hannaanka codadka kuraas loogu badali lahaa. Soomaalida oo dhan kasta oo aad u booddo iridda qabiilku soo xirayo, ma sahlanna in nidaam doorasho oo la mid ah kan dunida durbadiiba laga fuliyo, mana ahan in sidaas lagu iloobo. Marba sidii loo jabaa loo dhutiyaaye, waa in lagu wadaa sida mar walba laga badinwaayo.

Baarlamaanka Soomaaliya sharcigga doorashada ee uu nasixiyay maalmo ka hor waa kan kore ee u horeeyaa guulaystay. Taas oo ka dhiggan in dalka laga dhigi doono 275 deedaan doorasho oo ah tirade xildhibaanadda baarlamaanka, maadaama nidaamkaasi uu leeyahay degmo walba waa in hal xildhibaan ka soo baxo. Ilaa hadda macadda in deegaanka doorashada la geeynaa dadka kuwada nool ay codka wada tuuri doonaan iyo in loo xiri doono qabiil gaar ah.

Qore: Bashir Ali Hashi