Warbixino Ay Qoreen Warbaahinta Talyaaniga Oo Al Shabaab Beenisay

May 14, 2020(Awdinle Online) –Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa Khamiista maanta ah beeniyey in afhayeenkooda, Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere uu wareysi siiyey wargeyska La Repubblica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa qormada jaraa’idkaas ku sifeeyay “been abuur aan sal raad lahayn ayna gedaal ka riixayaan siyaasiyiinta cunsuriyiinta ah ee Talyaaniga” Waxaana uu ku tilmaamay warbixinta uu joornaalka qoray “been abuur uu jeebkiisu kala soo baxay”.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii wargeyska La Repubblica uu wariyey in ay telefoonka kula hadleen Sheekh Cali Dheere isla markaana uu xaqiijiyey in ay madax furasho ku qaateen sii deynta Silvia Romano.

Sidoo kale, majaladda ayaa Cali Dheere kasoo xigatay in lacagtaas ay u adeegsan doonan soo iibsashadda hub, tababarida ciidamadda, ku maareynta arrimaha ay dalka ka wadaan, saadka iyo sahayda inkastoo maanta ay beeniyeen Xarakada Al Shabaab.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa adeegsatay Caasha Romano oo ah magaca cusub ee ay haweenaydu la baxday kadib markii ay qaadatay Diinta Islaamka mudadii 18-ka bilood ahayd ee afduubka loo haystay.

Haweenaydan ka shaqeysa arrimaha samafalka ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo qafaashay meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana badbaadinteeda ay soo afjartay walwal badan oo laga qabay nolosheeda.

Haweenaydaan ayaan wali la cadayn qaabka ay ku suurta gashay soo daynteeda inkastoo warbaahinta Turkigu qortay in ay iska kaashadeen Mukhaabaraadka Soomaaliya,Turkiga iyo Taliyaaniga waxaana soo baxaya warar sheegaya in lacago lagu bixiyay soo daynteeda.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com