Xukuumadda Soomaaliya oo qalab caafimaad Ku wareejisay konfur galbeed:-(Sawiro)

May 14, 2020(Awdinle Online) –Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad waxay ay gaarsiisay magaalada baydhabo ee xarunta gobalka baay, kadib markii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira.

Howl-wadeenna ka socday wasaaradda caafimaadka ayaa maamulka Konfur galbeed ku wareejiyay qalabkan caafimaad ee COVID-19.

Dowlad goboleedka konfur galbeed soomaaliya Gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay dawada iyo qalbka lasoo gaarsiiyay waxayna codsadeen in lasii wado taageerada si ay ugu guuleystaan dagaalka ay ugu jiraan xakameynta COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Tan iyo markii uu bilowday cudurka Coronavirus ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com