Somaliland: Tirada dadka uu soo ritay Coronavirus oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inuu kordhay dadka lafa helay cudurka Coronavirus, kaddib baaritaano saacadihii la soo dhaafay lagu sameeyay dadka ku nool gobolada Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/llaahi ayaa sheegay in 48-dii saac ee la soo dhaafay laga helay 19 qof, kuwaasoo laga qaaday dheecaan sidaas lagu ogaaday inay qabaan Covid-19

13 ka mid ah dadka laga helay ayaa ku sugan magaalada Hargeysa, halka 16 kalena ay joogaan Gobolka Awdal, waxaana isugu jiraan 11 rag ah iyo 8 Haween ah.

Illaa hal qof ayaa u dhintay cudurkan, waxaana wadarta guud ee dhimashada ay gaartay 8 qof, halka ay ka bogsadeen 8 qof oo xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 87 qof, waxaana tirada dadka la baaray ay gaarayaan 586 qof.