Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka qarxay Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay Ciidamo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyadoo dagaalka uu ka socdo deegaanka Taaroge.

Dagaalka ka socda deegaankaas ayaa dhowr jeer labada dhinac ku dagaalameen, waxaana uu salka ku hayaa arrimo la xiriiro aano hore iyo dhul la iska heysto.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan gaadiidka dagaalka.

Todobaadyo ka hor ayaa waxaa deegaankaas ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana markii dambe ku baxay maamulka labada Gobol ee Puntland iyo Galmudug.