Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo baaritaan ku bilowday dadka kasoo labanaya dalka dibadiisa

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta hubin iyo baaritaan ku samaysay 10 qof oo reer Puntland ah oo diyaarada Daalo ay keentay Garowe.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gudanaysa waajibaadkeeda ka saaran badqabka muwaadiniinta reer Puntland ee ka soo laabanaya dalka dibadiisa iyo kuwa dalka jooga ayaa maanta hubin iyo baaritaan ku samaysay in ka badan 10 qof oo diyaarada Dallo Airline oo ka soo qaaday dalka Kenya.

Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Ali diiriye ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka waxaana uu sheegay “ inay ka wasaradd ahaan maanta garoonka u yimaadeen sidii loo hubin lahaa badqabka dadka garoonka ka soo dagaya, waxaana dhamaantood ka xaqiijinay inay haystaan warqad baaritaan oo cadaynaysa inay ka badqabaan Covid19.”

Waxaan dhamaatood sidoo kale garoonka gudihiisa kooxda caafimaadka ay ka hubiyeen xaaladooda waqtigan, waana ku faraxsanahay in dadkan ay wada haystaan warqada cadaynaysa inay ka badqabaan xanuunka”.