Danjirahii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo Geeriyooday

May 23, 2020 (Awdinle Online) – waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku geeriyooday Danjirihii Jaamacadda Carabta u fadhiyay dowladda Soomaaliya Dr. Xamuud Alxuweydi.

Wararka ayaa sheegaya Marxuum Alxuweydi uu xanuun Deg deg ah kusoo booday, sidaasina uu ugu geeriyooday Xarun Caafimaad oo la geeyay.

Geerida Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiyay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Sidoo kale geerida Marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Mas’uul kala duwan oo ka tirsan, iyagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo Alxuweydi.