Dacwadda Badda Soomaaliya Maxaa keenay in Saddex mar dib loo dhigo?

The International Court of Justice (ICJ), principal judicial organ of the UN, holds hearings in the case of Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya) from 19 to 23 September 2016, at the Peace Palace in The Hague, the seat of the Court. The hearings concern solely the preliminary objections raised by Kenya. Session held under the presidency of Judge Ronny Abraham. The CourtÕs role is to settle, in accordance with international law, legal disputes submitted to it by States (its Judgments are final and binding) and to give advisory opinions on legal questions referred to it by authorized UN organs and agencies. Its official languages are English and French. ICJ news and archives can be accessed via www.icj-cij.org La Cour internationale de Justice (CIJ), organe judiciaire principal des Nations Unies, tient des audiences publiques en lÕaffaire relative ˆ la DŽlimitation maritime dans lÕocŽan Indien (Somalie c. Kenya) du 19 au 23 septembre 2016, au Palais de la Paix, ˆ La Haye, o la Cour a son sige. Les audiences portent exclusivement sur les exceptions prŽliminaires soulevŽes par le Kenya. SŽance publique tenue sous la prŽsidence de M. Ronny Abraham. La Cour est le seul des six organes principaux de lÕONU ˆ ne pas avoir son sige ˆ New York. Sa mission est de rŽgler, conformŽment au droit international, les diffŽrends dÕordre juridique soumis par les Etats (ses arrts sont sans appel et obligatoires pour les Parties) et de donner des avis consultatifs sur les questions juridiques que lui posent les organes et les institutions de lÕONU autorisŽs ˆ le faire. Pour en savoir plus: www.icj-cij.org

Maxkamada Cadaaladda adduunka –ICJ- oo uu horyaallo Kiiska dacwadda Badda Soomaaliya oo Kenya gelisay muran badeed kutalagal ah ayaa  go’aamisey Oct-2019 in dib loo dhigay fadhigii iyo dhagaysigi dacwada Badda Soomaliya kadib codsi kayimid xukuumadda Kenya! xilligaas waxa loo muddeeyey oo dib loogu dhigay dhegeysiga dacwadda in uu qabsoomo 8- June 2020, go’aankaas waxa ay maxkamaddu ku sheegtay in loo qaatay baahida loo qabo muhiimadda in maxkamadda horteeda ay ku helaan labada dhincaba metelaad buuxda, waxa ayse raacisay in aan mar kale la samayn doonin dib-u-dhigis dambe.

Haddaba maaddaama go’aankaas maxkamadda ee hore loogu sheegay in aan la aqbali doonin dib-u-dhigis dambe maxaa keenay in markale dib loo dhigo oo la muddeeyo Dhegeysiga dacwaddan! Maritime Delimitation in the Indian Ocean -Somalia v. Kenya-EN

Warbixintani waxa ay si kooban u soo bandhigeysaa sida ay ku billowday codsiga dib-udhigista:

23 April 2020 Kenya waxa ay codsi dib-u-dhigis ah u gudbisey fadhigii maxkamadda loo balansanaa ilaa muddo aan cayinayn oo laga wadahadli doono marka ay Hay’adda caafimaadka adduunku ku dhawaaqdo dhammaadka qatarta cudurka Coronavirus-ka.


Kenya  waxa ay ku sababaysay codsigeeda dib-u-dhigista sii socoshada dhegeysiga dacwadda badda Soomaaliya in dalkeeda uu saameeyey cudurka COVID19 ayna jirto dhimasho uu sababay,  waxa kale oo ay codsigeeda indho la’aanta ah ku sheegtay in qareenadeeduay ku kala xayiranyihiin Waddamo kala duwan ayna adkaatay wadashaqeyntoodu sabab la xiriirta socdaalka adduunka oo u istaagay dhibaatada COVID19.

1 May 2020: Dowladda Soomaaliya waxa ay jawaab u qortay maxkamadda ICJ waxa ayna ka cabatay in dhowr mar oo hore dib loogu dhigay dhagaysiga dacwada kadib codsi kayimid dhinaca Kenya,  waxa ay xasuusisay Maxkamadda in hore loo go’aamiyey in aan dib-u-dhigis dambe la samayn doonin, Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale ku cabatay in  Kenya ay cadaadis diblomaasiyadeed ku hayso dalkeeda ayna isku deyeyso kordhinta cadaadiska diblomaasiyadeed si Kiiska loogala noqdo Maxkamadda laguna xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caddaaladda, taasina ay fursad & firaaqo siin karto  Kenya.


Si looga jawaabo saameynta cudurka COVID19 ee ah in aysan qabsoomi karin fadhiyadu, socdaalku xayiran yahay loona cabsanayo  bedqabka shaqaalaha Maxkamadda, Ergooyinka labada Waddan iyo Korjoogayaasha dowladda Soomaaliya arrintaas bedelkeeda waxa ay soo jeedisey in la isticmaalo tiknolojiyadda casriga ah iyo qalabka fogaan-kulanka (Video Conference).

4 May 2020  Kenya waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay muddo dheer u diyaar-garoobeysay ayna jawaabteedu diyaar u ahayd, qareenada Soomaaliyana  ay wadashaqaynayeen, Kenya waxa ay ku adkaysatay in dacwadda maxkamada ay tahay in lagu sameeyo qaabka xaadiridda fadhiga Maxkamada taas oo aan suurtogeli karin haddii la adeegsanayo qaab ka baxsan sida ay ahaayeen  dhaqanka & Caadada maxkamaddu, taas oo ay sheegtay in ay qasab tahay in labada dhinac wada aqbalaan.

Kenya waxa ay go’aankeeda iyo rabitaankeeda Waalan u daliishatay in dib u dhigis-dacwadeed oo  nuucan oo kale ah  lana xiriirtay saameynta xaalada Coronavirus oo ay dowladda Guatemala oo ah waddan kuyaal bartamaha Ameerika u gudbisay Maxkamadda ICJ, taas oo ay ku dalbanaysay in dib loogu dhigo dhagaysiga dacwad kala dhexeysa Dalka Beliz oo isna dhaca bartamaha Ameerika, taas oo ay maxkamaddu aqabashay in dib loo dhigo inkasta oo ay diiddey dowladdii kale ee Belize, Sidaa darteed  Kenya waxa ay kuladoodday ICJ in aysan cadaalad ahayn in la marsiiyo waddo ka duwan wadada la mariyey codsigii Guatemala maadaama si la mid ah uu cudurka u saameyey dunida oo dhan oo ay ka mid tahay Kenya.

7 May 2020: Dowladda Somaaliya waxa ay qoraal ugu falcelisay Jawaabtii Kenya waxa ayna sheegtay in la isticmaali karo Tiknolojiyadda iyo qaabka fogaan aragga, taasina ay tahay dhaqan hirgelay oo la adeegsan karo, sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in qodobada ay daliishatay Kenya ee cah-diga Maxkamaddu ay yihiin fasiraad kadhalatay faham qaldan oo dhinaca tafsiirka Qaanuunka ah islamarkaana weli ay ku adkaysanayso dowladda Soomaaliya in aan dib dambe loo dhigin sii socoshada dhegeysiga dacwadda maadaama dhowr mar oo hore dib loo dhigey.


19 May 2020: Maxkamaddu waxa ay go’aamisey kaddib dhagaysiga Jawaabaha labada dhinac in dib loo dhigay fadhiga dhagaysiga dacwadda  ilaa 15 Maarso 2021, xilligaasna waxaa la qiyaasayaa in waddanka Soomaaliya ay kadhacayaan doorashooyin iyo ololelayaal siyaasadeed, taas oo ay suuragal tahay in isu diyaarinta iyo dhegeysigu dacwaddu uusan helin jawi u diyaarsan.

Halkaas waxa ka muuqata in Qareenada Soomaaliya aanay ku guuleysan kahortegidda isbeddel mar saddaxaad lagu sameeyo jadwalka maxkamadda, kaas oo kadhigan in ay jiraan wax qaldan oo kadhex socda habsocodka Kiiska dacwadda Badda Soomaaliya.

Haddaba Mustaqbal oo aragtay dokumentiyo gaar ah oo markii ugu horeysay laga helay xogta maxkamadda iyo aqrinta feylka dacwadda ayaa ogaatay in habka dacwaddu uga socoto dhinaca Soomaaliya uusan ahayn si ku habboon Waddan leh Milkiyadda biyaha lagu murunsan yahay.

Sawirka: The International Court of Justice (ICJ),

Waa  xaqiiq dhulka taal iyo biyo-kama dhibcaan aan cidina diiddanayn in la bedalay seddex qof oo rukumo muhiim ah u ahaa socodsiinta dacwadda Badda Soomaaliya, kuwaas oo sidaas oo kalana bud-dhigna u ahaa xogta dacwada! waxa ay kala yihiin:-

  1. Xeer-ilaaliyihii hore ee qaranka Dr: Axmed Cali Daahir oo ku baxay xilka qaadis lagu sameeyey bishii Nov-2019
  2. Danjire Cali Saciid Faqi Safiirkii Soomaaliya ee dalalka Belgium, Netherlands, & Luxembourg ahnaa Ergayga Soomaaliya u fadhiya Midawga Yurub, sidoo kale ahaa Ergayga Soomaaliya u qaabilsanaa Dib-u-soo-celinta qaxootiga soomaaliya ee jooga dalka Liibiya, Islamarkaana xubin ka ahaa Guddiga Wada-xaajoodka Somaliland (Waxa uu shaqada ugu tagay si uu Gudoomiye uga noqdo Baarlmaan-goboleedka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed April-2020
  3. Muna Sharmaan: oo ahayd khabiir sharciyaqaan – waxaana la sheegaa in ay ahayd qofkii lahaa fikradda in maxkamada la geeyo dacwada badda soomaaliya. waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaaya qaabka ay shaqada uga tagtay Muna Sharmaan, inta la og yahay in ay ku baxday khilaaf ku saabsan talo-sharciyeed la baalmaray

Muna Sharmaan waxay ahayd gabadhii sida weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda ee dowladda Soomaaliya geysay ICJ.

Cali Siciid Fiqi, danjirihii Soomaaliya u fadhiyey xarunta Midowga Yurub oo la hadlay Telefishinka dowladda Soomaaliya ee SNTV ayaa xaqiijiyay in Muno Sharmaan ay “ka baxdayday qareennada difaaca kiiska Soomaaliya”

Cali Fiqi waxa uu sheegay in ay madaxweynaha la  hadashay”, ayna ku sheegtay sababta ay qareennada uga baxday in “ay u wareegtay shaqo kale oo ay ka heshay Bangiga Adduunka “.

Muna Sharmaan waxay ka mid ahayd qarreennadda ugu firfircoonaa ee doodaha adag la hor tagay ICJ xilligii ay socotay dhageysigii la xiriiray in kiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya ay maxkamadda ICJ dhageysan karto.

Haddaba ka sokow in ay shaqada ka tageen seddexdaas xubnood  (waa Cali Saciid Faqi, Amxed Cali Daahir iyo Muna Sharmaan, haddana waxaa xaqiiqo kale oo layaab leh ah in aan dwladda Soomaaliya shaacin Sharciyaqaanada iyo cidda ay ku beddeshay Kaalimihii muhiimka ahaa ee ay banneeyeen.


Hadda dacawada Badda Soomaaliya Wakiilkeeda koowaad (Agent) waxaa ah RW kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Guled Khadar, halka wakiil labaad ama (Co-Agent) uusan jirin.

Sida ku cad dokumiyadan & Warbixintan oo aad ka aqrin karto bartayada Internet-ka ee  mustaqbalradio.net waxa aan ogaaney in Inkasta oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaan-goboleedka Koonfur Galbeed 1da Bisha April 2020 haddana in uu weli ka siiyahay Wakiilka Labaad Co-Agent dacwadda badda oo aan la bedelin, ka sokow in aysan sax ahayn in Gudoomiye Baarlmaan dowlad-goboleed uu wakiil ugu noqdo Soomaaliya dacwadda Badda haddana waxa ay arrintaasi keeni kartaa qatar ah in uu mashquulka masuuliyaddaha kale ee uu u dhaartey  dartood uu ku guuldaraysto ilaalinta jadwalka iyo waqtiga adag ee jawaabaha emailada iyo fariimaha maxkamada maadama uu u diiwaangeshanyahay in uu joogo Safaaradda.

Sidoo kale Mustaqbal waxa ay ogaatay in uu dacwad u gudbiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, warbixin lagu faafiyey bogga garyaqaanka Guud balse markii dambe laga saarey ayaa waxaa lagu yiri  ”Faham darro iyo u kasid ay ku kacaan Masuuliyiin ka mid ah Dawladu ayaa keenta in shaqooyin badan oo uu xafiisku leeyahay ay u diraan Xafiisyo kale oo aan shaqo ku lahayn sida Dacwadiii Badda ee Dawladda soomaaliyeed dhinaca ka ahayd oo Guddigii loo magacaabay aan xataa Garyaqaanka guud ee Qarranka lagu Soo darin”

Xafiiska garyaqaanka Guud ee dalka oo aan marnaba laga darin feylka dacwada badda, maadama uu yahay xafiiska Masuulka ka ah difaacada dacwadaha dhanka ah dowladda Soomaliya ee maxkamadaha Adduunka sida ku cad qodobka seddexaad faqradiisa 2(b) ee  Xeer Lam 18 ee Dhismaha lyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo  soo baxay 29 January- 1976.

Halkee ku dambeysay kaalintii aqoonyahanka iyo bulshada Rayidka ah?

Bilowgii dacwadda waxaa laga qeybgaliyey dhagaysigeeda xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo waaya-arag uu ka mid ah Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo madax ka ahaa Akadeemiyadda Cilmibaarista Xeebaha.

Balse waxaa dhacday in waayadan dambe ka qeybgal iska daaye aysan jirin wax xog-wadaag ah oo aan ka ahayn fariimaha aadka loo tifaftiray e dowladdu ay ka sii dayso talefashinka qaranka.

Aqriska Dokumentiyada:

Marka la eego Nuqulada & Dockumentiga la hayo Waxaa muuqata  in dacwada Kenya ay ku dhisnayd dood adag oo ay ka muuqato xog sharciyadeed sida xigashada la xiriira qodobada Cahdiga iyo xeer-hoosaadka Maxkamadda, Fasiraadda iyo Laqbeynta sharciyada caalamiga ah iyo fikradaha Waaya-aragga caalamiga ah ay ka faafiyeen qodobada xasaasiga ee macneeya sharciga caalamiga ah oo ay ku adkeeyeen doodahooda, Sidoo kale Dokumentiyada Kenya waxa ka muuqda in ay diyaariyaan koox qareenno ah oo ka eegaya doodda dhinaca Qaanuunka Caalamiga.

Dhinaca Dokumentiyada dowladda Soomaaliya waxa ay u muuqdaan sida ay qabaan culimada dhinaca Qaanuunku in ay yihiin jawaabbo aan lahayn wax sal sharci ah balse ay ka muuqdaan go’aanno eed iska ilaalin ah oo aysan ku xusin wax doodo sharciyadeed ah kuwaas oo kaalmayn kara rabitaanka haddii ay ahaan lahayd xeer-hoosaadka maxkamadda, axdiga asaaska maxkamadda ama fikradaha iyo macnayn quburada sharciga ee la aqoonsanyahay.

Jawaabta labaad ee Kenya waxaa ka muuqata in ay si dhow ula socoto, wadatashina la leedahay qaar kamid ah dalalka ay dacwadahu ka yaalaan maxkamadda sida tan Guatamela iyo Balize.

Tusaale ahaan waxa ay ku soo beegtay dhaqaaqeeda codsiga dib u dhigista 2 maalin kadib markii go’aanka laga gaarey dib-dhigista dacwada ay ICJ u gudbisatay dowladda Guatamela balse ay diidey dowladda Balize.

Kenya waxa ay ka faa’iideysatay nuxura dacawada Guatamela balse dowladda Soomaaliya maba arkin Jawaabta ay isku difaacday Balize.

Dhinaca dalkeena waxaa ka maqan shaqada oo aan weli la bedelin safiirkii sida dhow ula socon lahaa howlaha kale ee ka socda maxkamadaha, xuuraansi iyo la socod ugu tagi lahaa safaaradaha dalalka dacwada ka taalo, maadaama isaga oo ah Gudoomiyaha baarlamaan-goboleedka KGS Dowlad uu weli wado howshii Maxkamadda.

Haddii aan sii wadno aqriska dokumentiga waxa  ceeb iyo munaasabad xumo ahaa in dowladda Soomaaliya ay ku andacooto in aan dib loo dhigin dacwada maadaama Kenya ay wado cadaadis diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso in dib loogu dhigo dhegeysiga dacwada, taas oo kenya si kooban uga jawaabtey in uusan jirin cadaadis – haddii uu jirana – aysan waxaba suurtogeli karin iyada oo aan dowladda soomaaliya aqbalinin.

Waxyaabaha la yaabka leh oo ay muujinayaan dokumentiyadu waxaa ka mid ah in doodda adag ee Kenya oo ka kooban 8 bog oo iskugu jira dood, qodobo sharciyeed, Laqbeyn Qaanuun iyo xigasho la xiriira dhaqanka iyo caadada Maxkamadda ay dowladda Soomaaliya uga jawaabtay hal bog oo aan lahayn wax xigasho habayaraatee wax xigasho sharciyadeed ah.

Aqrinta guud ee dokumentiyada iyo qiimeynta nuxurka iyo tayada doodda waxaa ka muuqata in aysan jirin wax dan ah oo laga leeyahay guusha dacwada balse ay xukuumaddu dooonayso inay iska fogayso eedda ah in ay ka noqonayso dacwada.

Haddaba waxa cad oo muuqata xaqnimada dacwadda Badda Soomaaliya taas oo aan marnaba adduunka shaki uga jirinin sharciyadeeda balse dhaqanka taagan waxa suuragal ah Alle ma qaddaree in uu sababo in aan weyno xaqaas

Ma ahan oo kali ah in ay jirto eeda iska socota ee mucaaradka iyo aqoonyahanku  ku celceliyaan, taas oo ah in dowladdu wadahadal geli doonto, taasna ilaa hadda ma muuqdaan wax muujinaya  xaqiiqdeeda.

Waa run in ay jiraan Qareeno loo shaqaaleeyey in  kala shaqeeyeen dowladda furitaanka iyo jawaabida fadhiyada ,waa xaqiiqo in ay diyaariyeen jawaabaha ka qeybgalka iyo nuxurka dooda, waaa run in ay imaan doonaan fadhiga maxkamada Balse khatarta ugu weyn ee wax weliba u baa’bi doonaan waa in aysan jirin qareeno u qoran dowladda Soomaalia oo ku howllan maamulka Kiiska Badda sida diyaarinta jawaabaha dib-u-dhigista,  sharciyeynta iyo siiqeynta nuxurka doodda oo aad ugu liidata Qoraalada dowladda Soomaaliya.

Haddaba waaa kuma Qareeenka ama garyaqaanka ku fashilmay jawaabahan iyo dokumentiyadan?! Waa kan ku saxiixan Dokumentiyadan! Waa Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo aysan jirin hal sharciyaqaan oo uu la tashaday isaga oo sheega in ay qaali tahay latashiga Qareenada & Jilibweynta Laqbada Qaanuunka Caalamiga ah oo lacag badan qaadanaya haddii ay dhacdo in lala tashado? Sidaa darteed waxa uu iibiyey in uu yahay qareen muddo dheer lataliye u aha Guddiga doorashooyinka Somaliland uuna khibrad ballaaran u leeyahay Sharciga caalamka isaga kaligiisna uu jawaabi doonno.

Haddaba waxa aan soo arruurinay talada aqoonyahanada dowladda Soomaaliya kala taliyey diyaarinta dacawdan iyo jawaabaheeda waxa ayna ku taliyeen:-

  1. In degdeg loo bedelo wakiilka labaad ee dacwada Mudane Amb. Cali Faqi maadaama uu howl kale galay ayna muhiim tahay in degdeg loogu magacaabo xilkaas diblomaasi adag, karti iyo aqoon u leh iibinta talada qareenada iyo xuuraansiga dowladdaha dacwada ka wada maxkamada iyo galaangalka.
  2. In Warqad aysan saxiixin ogolaanshaha ugu dambeeyana aysan bixinin qareeenadda dowladda Soomaaliya aan loo dirin maxkamadda.
  3. In La abbaabulo koox bulsho rayid, aqoonyahano, iyo xitaa xisbiyada mucaaradka ah.. oo la socoto xaaladda dacwada warbixinna si joogto loo siiyo shacabka Soomaliyeed si aan dhaxalka awoowayaashu ugu Lumin dayac iyo is eedeyn
  4. In si daahfuran loo soo bandhigo sida loo isticmaalay lacagta gaartay malaayiinta Dollar ee ku baxday Maxkamadda, inta la ogyahay waxa kaalmo laga helay Imaaraatka, Norway, Qatar, Sacuudiga, Shiinaha iyo Qaramada Midoobey, Wax xisaab celin ah oo la sameeyey ma jirto mana soo marin lacagtaas miisaaniyadda Dowladda dhexe
  5. In Kooxaha Mucaaradka ah ay joojiyaan eedda dowladda ee la xiriirta dacwadda badda iyo ugu faa’iideysiga ajandaha siyaasadeed.
  6. In la shaaciyo magacyada qareenada, dadka masuulka ah dacwada iyo qaabka loo agaasimo jawaabaha.
  7. In degdeg loo xisaabiyo kooxda u xilsaarnayd dacwadda si daahfuranna loo weydiiyo sababta keentay fashilka seddexda mar ah.
  8. Waxa aan idin xasuusinaynaa in dhaqanka iyo sida aad u maamushaan dacwadan ay ku soo bixi doontoo xusuus-qorka garsoorayaasha iyo qareennada idinla shaqeeya oo aad ceeboobi doontaan haddii aad sidaan ku sii socotan.
  9. Xogisho :mustaqbalradio