Dib u dhac ku yimid Doorashadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka walaacsan

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga ayaa muujiyay walaac uu ka qabo sameynta ka dhallan karta dib u dhac ku yimaada Doorashadda  Golayaasha Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee horaanta sanadka 2021-da loo balansanyahay.

Amb Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale Saluug ka muujiyay dib u dhigidda waqtiga loo madalsanaa in Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaaliya hor  tagaan waxaana markii hore loo balansanaa 27 bishaan May in kastoo bil dib loo dhigay.Image may contain: 1 person, text

Guddiyada Joogtada ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay ku shiray Xaruntooda Magaaladda Muqdisho ayaa go’aamiyay  in kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka uu furmo 6 bisha June ee soo socota.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay xilliga ay Baarlamaanka hor imaan doonto Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) oo la filayo in ay Baarlamaanka ka horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa loo yeeray in ay Baarlamaanka ku hor-timaado 27 bisha June ee soo socota, si ay warbixinta doorashada dalka uga hor akhriso Golaha.

Waxaa markii horey lagu waday in Guddoomiye Xaliima Yarey inay Baarlamaanka hortagto 27 bishan May, hase ahaatee Baarlamaanka oo aan weli kulamadiisa furmin iyo arrimo farsamo ayaa keentay in muddo bil ah waqtiga loogu daro.

Xubno ka tirsan Guddiga joogta ah ee Baarlamaanka Faderaalka ayaa Mustaqbal u sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii doorashadu waqtigeeda ugu dhici leheed,hase yeeshee aysan qusayn waxa iyaga ka sareeya oo ah arimaha dhaqaalaha, amaan iyo farsamooyinka kale ee doorashada.

Hoggaamiyaasha Xisbiyada siyaasada dalka iyo xubaha beesha Caalamka ayaa ka digaya in ay dhacdo mudo kororsi ay sameeyeen Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya,taas oo mudooyinkii dambe la hadal haayay.