Amniga Magaalada Cadaado oo la adkeeyay iyo Qaban qaabo ka socota

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa lagu wadaa in uu goordhow safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Galmudug in uu ku tago Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Qoor Qoor oo safar dhinaca dhulka ah uga ambabixi doona Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Xubno ka tirsa labada Gole ee Maamulka Galmudug iyo Saraakiil Ciidan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha,waxaana Amniga Magaalada siweyn u adkeeyay Ciidamada Amniga Galmudug ee ku sugan Magaaladaas.