Degmada Qansax Dheere oo Qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya

Wararka ka imaanaya degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa ka tirsan howlgalka AMISOM ee saldhigga ku leh degmadaas.

Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegayaa inuu khasaare uu ka soo gaaray qaraxa.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa xoog leh ay maqleen oo ay xigtay rasaas ay rideen Ciidamada Itoobiya, lama oga khasaaraha illaa hada ka dhashay.

Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku daabaceen baraha Internet-ka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaas, iyo inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Itoobiya.