Ma dhabbaa in wali Godka Jillicow dadka lagu jir-dilo.

Cabdalla Cabdalla Maxamed Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo Dowladda Soomaaliya ka riftay garaadaha kana eresay shaqada NISA ayaa sheegay in godka Jillicow ee Magaallada Muqdisho ay ku xiranyihiin Maxaabiis kor u dhaafaysa 120 qof oo ay qaarkood halkaasi ku dhinteen sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in gudka Jillicow ay dhawaan ku dhinteen 2 qof oo halkaasi ku xirnaa,sidoo kalana ay halkaasi ku xiranyihiin in ka badan 120 qof oo u badan dhilinyari wax ku qortay baraha Bulshada si uu hadalka u dhigay.

Hore ayaan uga dignay in meeshaa ay kasoo socoto Xaalad khatar ah.Maxaa yeelay in kabadan tankiisa ayaa ku xiran (kabadan 120qof). Oo Xataa baarayaasha xor u ma aha in qofkii ay danbi kuwaayaan ay siidaayaanayuu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.Image may contain: 1 person

Waxa uu ku eedeeyay hay’adaha Garsoorka iyo Cadaallada dalka in halkaasi ay ka jirto jirdil iyo daryeel xumo ay lakulmaan dalka halkaasi ku xiran,isga oo Xeer ilaalinta iyo Maxkamada ciidanka sida ay baaritaan ku sameeyaan waxa ka socda Xabsiga Jillicow.

“Jirdil ka iyo daryeel xumada halkaask jirta waxay u baahantahay fargalin Sharci. Waxaan ugu baaqayaa Maxkamadda ciidanka iyo xeer ilaalinta inay Arintaas faragaliyaan oo baaris ka furaan dhibka ka jira Waa arin sumcad iyo sharafta Dowladnimada taabanaysa , tallaabana laga qaado labada nin ee meesha ka talisa ee tacadiyada xun ku haya dhalinyarada iyo saraashisa ku xiran Jilicow” ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

Wasaaradaha Cadaallada iyo Amniga Gudaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa bishii December 2018, waxa ay ku dhawaaqeen in Xabsigaasi loo baddalay akaademiyadda Jilacoow si tababarro ku saabsan xuquuqul insaanka loogu siiyo shaqaalaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale  oo shir jaraa’id qabtay  Maalintaasi ayaa sheegay in goobtaas fikirka xun laga aaminsanaa la xiray isla markaana loo badalayo dugsi tababar.DFS Oo Albaabada isugu dhuftay Xabsigii Godka Jilacow | Shabelle ...

“Halkan aan fadhinno waa meeshii la dhihi jiray godka Jilacow, marka sidaad ula socotaan wasaaradda amniga gudaha iyo xukuumadda waxaa ay wadey isbadal, kaas oo ku saabsan dhanka nabad sugidda, ciidamada nabad sugidda dhow bil ka hor waxaan ka dhignay hubka, inta badan waxaan ku wareejinay booliiska Soomaaliyeed, sidoo kale halkan aan joogno oo horay loo dhihi jiray godka Jilacow waxaa ay ahaan jirtay xabsi lagu xiro dadka, marka cabasho nooga timid umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa ay wasaaradda amniga iyo xukuumadda garteen in meeshan xabsiga laga badalo, oo loo badalo goob ay ku bartaan ciidamada nabad sugidda, tababar ku qaataan, sidoo kale la baro, la dhaqanka bulshada ama  xuquuqul insaanka, magaca cusub ee loo bixiyey waa xarunta Jilicow, halkan fikir cusub ayaa laga heystay oo ah in godka Jilacow dadka lagu dhibaateeyo, marka meesha waan ka saarnay, qofkii la xiro hadda kadib labo meel ayaa laga raadin karaa, waa saldhigyada booliiska iyo xabsiga dhexe, sidoo kale nabad sugidda waxaa ay xaq u leeyihiin in qofkii ay soo qabtaanin 48 saac ku heystaan barista xarunta xisbiga, wixii intaas kadibna soo xalaaleystaan ama sharciga u maraan, maanta laga bilaabo halkan waa xerada Akaademiyadda Jilacow” ayuu yiri.

Xabsigan oo loogu magac daray Sarreeye Gaas Axmed Jilacow Caddow ayaa wixii kadambeeya 16 December 2018, uu noqonayaa xafiisyo farsamo iyo maamul oo ay ku shaqeyn doonaan laamaha nabadgelyada Soomaaliya, iyada oo guud ahaanba la baabi’inayo qaybta xabsiga oo can ku ahaa muddo dheer in qof laga shakiyey la soo qabto oo lagu xiro laguna maraanmaro haddii loo baahdo si uu dembi ama eed u qirto.

16 Diseembar 2018 ·  Ayaa Xabsiga Godka Jilicow  ayaa  Magaca laga badalay loona Bixiyay Academiyada Tab