Al Shabaab oo weerar ka gaysatay Gaarisa.

Labo ka tirsan Ciiddanka Milliteriga Kenya iyo Sarkaal Boolis ayaa la sheegay in ay si xun ugu dhaawacmeen Iska-horimaad ka dhacay Deegaanka Bura East oo ka tirsan Gobalka Garissa.

Taliye-hoosaadka Bolika ee Deegaanka Faafi, Jorje Sangalo ayaa xaqiijiyey Iska-horimaadkaasi, wuxuuna xusay inuu Sarkaalka Boliska ka shakiyey Ciiddanka Milliteriga, kadibna uu si xun u dhaawacay.

Sarkaalka oo isagana laga dhaawacay Lugta waxa uu tilmaamay inuu Ciiddanka kaga shakiyey inay yihiin Alshabaab.

Qoraal Warbixin ah oo ay Boliska diyaariyeen ayaa lagu muujiyey inuu Iska-horimaadku ka dhashay labada dhinac oo kala shakiyey, maadaama ay Alshabaab inta badan weeraro ka geystaan Deegaanka ku dhow Xuduudka Kenya iyo Somalia.

Dhinaca kale, Wargeyska Nation ayaa qoray in dhaawaca Askarta oo aad u liita loo gudbiyey Isbitaal ku yaalla Deegaanka Bura East, halkaasi oo lagu daaweynayo.

Ak Shabaab ayaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale u weeraray saldhigyada Ciidanka Difaaca Kenya ee loo yaqaan KDF, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.