132-ruux oo ku xayirneyd Sacuudiga DFS oo dalka dib ugu soo celisay.

Magaalada Muqdisho waxaa xalay la keenay Soomaali ku xannibneyd Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo saameysay Xayiraadda ka dhalatay Covid-19.

Dadkaan oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Carruur, tiro ahaan waxa ay gaarayeen Diyaarad 132-ruux waxaana ka shaqeysay howsha lagu soo qaaday Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Amarka dadkaan dib loogu soo celiyay waxaa bixiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee  Magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa xubno katirsan Dowladda Soomaaliya oo loo xilsaaray soo dhaweynta dadkaan.

Xubnaha ayaa sidoo kale sheegay in 3-da maalmood ee soo socota ay keeni doonaan dad kale oo ku xayiran boqortooyada Sacuudiga, waxaana ay u badan yihiin Haween iyo Carruur.

Xabsiyada Sacuudiga waxaa waqti dheer ku jira Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay soo qabteen Ciidamada ammaanka Sacuudiga, dhammaan dadkaan waa tarxiil sugayaal dib dalkooda loogu soo celiyo.

Soomaali ku sugan Sacuudiga ayaa  sheegay in Dowladdu ay ku wargelisay in dadkaan ay kala hadlaan sidii loogu fududeyn lahaa dib ugu soo celinta wadankooda, maadaama DFS xayiraad saartay Duullimaadyada Caalimga oo aysan jebin karin Boqortooyada.