Afduub ka dhan ah Axmed Madoobe oo qorsheynaya Itoobiya & Eritrea

Getachew Reda oo xubin ka ah guddiga sare ee fulinta xisbiga Tigreeyga ee TPLF ayaa shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inay isla garteen qorshe lagu aduubayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Reda ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay damacsan yihiin in Axmed Madoobe loo dhoofiyo magaalada Addis Ababa, si dambi loogu oogo, marka la soo qafaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi fulinteeda loo saaray ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Kumaandooska Itoobiya, balse ay ku fashilmeen, kadib caqabado soo wajahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ma shaacin Getachew Reda xilliga rasmiga ah ee la diyaariyey ama la maleegay qorshahaasi.

“Abiy oo uu wehliyo Afwerki waxay qorsheeyeen in ay Kismaayo ka soo afduubaan Axmed Madoobe, tani waa heerka halista ee shaqsiyaadkan ay ku yihiin dumuqraadiyadda.”ayuu yiri Getachew Reda oo ka tirsan guddiga fulinta ee TPLF.

Ugu dambeyn wuxuu siyaasigaan aad u dhaliilay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda federaalka & kuwa Itoobiya ee lagu daabulay gobolka Gedo.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka Axmed Madoobe kala dhexeeyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farnaajo) oo haatan xiriir wanaagsan la-leh wadamada Itoobiya iyo Eritrea.