Faallo: Meel kalaa lala aaday Maqaamka Muqdisho

Sida uu dhigayo Dastuurka kumeel gaar ka ah Qodobkiisa 9aad. ee ka hadlaayo Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyo.

“Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegidda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Hadaba arinka xaq iyo xuquuq raadsiga ah ee 3M oo qof muddo sanada ah na soo jiitamaayay Baarlamaanka federal ka ah na loogana fadhiyay inuu kusoo saaro xeer gooni ah ayaa hada muuqata in ayadoon xeerki lasoo saarin arinka loo leexiyay hardanka qabiilka lana siyaasadeeyay.

Shaqada dastuurigaa ee baarlamaanka looga fadhiyay ma eheyn 7-da kursi ee aqalka sare Iyo sida loo qeybsanaayo ee waxey aheyd in ay soo saaraan oo kaliya xeerki maqaamsiinta aayaha caasimada halkaana ay ku dhex cadeeyaan sifada maamul Iyo awoodeed ee Caasimada Muqdisho yeelaneyso, canshuurta kasoo xarooto iyo saamiga federalku kulahaanayo iyo cida leh shaqada sugidda amniga caasimada, dhul bixinta caasimada Iyo wixi lamida ee marna dastuurka uguma xusna in Gobolka Banaadir maqaam ubaahanyahay si fiican u aqri qodobka dastuurigaa wuxuu ka hadalyaa waa caasimada kaliya.

Mar haduusan jirin xeer Baarlamaan ka kasoo saaray maqaamka Casimada, awooda maamul ee caasimada sida loo soo dooranaayo Iyo sida loo qeybsanaayo canshuurta kasoo xaroota waxaa muuqata in la iska indha tiray waxbadan Muqdishana aanan loo daneyn ee lagu daneystay qeyrul sharci na tahay sida wax loo soo qoray maadaama uusan jirin reer loo raacay ama loo cuskaday lana rabo in arinki Maqaamka meeshaas kusoo dhamaado aysan na waligood isdooran ee mar walba Mayor loo soo magacaabihaayo.

Soomaalidu waligeedba alifkey kaboodaa Ya’na uboodaa kuraas qeybsi waxaa ka horeeya Xeerki maqaamka Caasimada ee nakala hagi lahaa Gobol ahaan iyo caasimad ahaan in lasoo saaro Muqdishana ay maamulkeeda soo doorato si ayada gorgortanka Siyaasadeed ugali karto Gobol ahaan na markaa matalaad uhesho.

Xeer sameyn Iyo Muqdishoo isa soo doorataa kahor hadaan dhahno aan wax qeybsano su’aalahan ayaa xaq uyeelanaaya inuu kajawaabo:

1- Xubin kasta oo aqalka Sare kamid ah waxaa soo doortay baarlamaanka maamul goboleedka ay xubintu ku abtirsato hadaba xubnahan cusub yaa soo dooranaaya xageese lagu soo dooranaa Muqdisho mise Maamulka Goboleed kale?

2- Hadii ladhoho xubin kasta maamul ka reer qurac oo ay ku abtirsato beel ahaan ayaa soo dooranaaya qofkaa siduu daacad uga noqon karaa danaha isdiidi kara beri ee labada maamul?

3- Maadaama 4.5 lagu qeybiyay soomaaliduna dhamaan qabiilo kuwada abtirsata yaa xaq u leh inuu Muqdisho matalo ma kan kudhashay qabiilkuu doono haka soo jeedee mise kan soo galay ee aanan ku dhalan?

4- Haduusan qofku Muqdisho kudhalan muddo intee la eg ayey tahay inuu Muqdisho daganyahay si uu umatali karo Shacabka Dagan?

5- Sida dastuurku qabo xubnaha aqalka Sare waxey matalaan maamul goboleedyo hadaba xubnahaan cusub ma waxey matali doonaan maamul goboleed awood leh oo isdoorta mise maamul dikreeto lagu soo magacaabo marki larabana laga qaado?

6- Kuraastan cusub yeymatalaan ma caasimada Muqdisho mise Gobolka Banaadir, hadey Gobolka tahay xagee dastuurka uga taal, hadii shalay caasimada leyla sheegtay maantana Gobolki miyaaa?

Gunaanad: Gobolka Banaadir Iyo Caasimaduba kuraas uma hamuun qabaan ee inay isdoortaan isna xukumaan dhexdooda ayey uhamuun qabaan

Qore: Abdirahman Adan Osman (Kampala)