Diyaarad sida agab caafimaad oo ka degtay Dhuusamareeb

Diyaarad sida Agab caafimaad ayaa maanta dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay geysay  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Agabkaan oo noocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxaa logu tala galay Degmooyinka Balanbale iyo Caabudwaaq oo maalmahan uu saameyn ku yeeshay cudurka  Covid19.

Agabkan Caafimaad ayaa waxaa la wareegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaa  uuna  u mahadceliyay Dowlada Somalia sida ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa xiligan waxaa fara badan ku haya cudurka covid 19.