Cumar (Filish) ” Xuquuqda Gobolka Banaadir rabshad in lagu raadiyo Ma aqbaleyno”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo banaanbaxayaal Muqdisho kula hadlayay ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Maqaanka Muqdisho iyo hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka Sare.

Guddoomiye Filish waxaa uu sheegay in uu soo dhaweynayo hadalka Madaxweyne Farmaajo,isla markaana Madaxweynaha uu hadalkaas meel fagaaro ah ka sheegay xilli loo baahnaa,iyada oo taasi laga duulanaya Maanta loo banaanbaxayo.

Sidoo kale Duqa muqdisho waxaa uu sheegay in Shacabka Gobolkan Banaadir looga baahan yahay inay xaquuqdooda ku raadsadaan si nabdoon,hayeeshee aan lagu raadin rabshado iyo buuq sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Shacabka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu uu baaqay inay is dejiyaan,isla markaana xildhibaannada labada Aqal ay ka sugayaan wax u wanaagsan Shacabka, iyaga oo ka jawaabaya codsigii Madaxweynaha ee ahaa in Gobolka Banaadir uu matalaad ku yeesho Aqalka sare.