Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sh/Hoose ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen deegaanno ka mid ah Gobolkaasi.

Howlgalka ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidamada uga fuliyeen dhinaca xeebta Jasiira iyo dhinaca magaalada Marko, sida Jilib Marka, Gandarshe, iyo Dhanaane,waxaana saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay xubno uu ka mid ahaa Axmed Bisle oo Ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalka sidoo kale lagu bur buriyay saldhigyo ay ku lahaayeen degaanada xeebta ah Al-Shabaab,isla markaana uu sii socon doono ilaa inta ay ka saarayaan deegaannada Xeebta ah ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo kula wareegeen deegaananda Xeebta ah ee ku yaalla wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marka walow markii dambe ay isaga baxeen.