Madaxweyne Lafta-Gareen oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa waxa uu maanta magacaabay guddiga ka shaqeeya maalmaha xorriyada dalka ee nagu soo foodda leh.

Guddigan uu magacaabay madaxweyne Lafta-Gareen ayaa waxa uu ka kooban yahay 13 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole.

Xubnahan uu magacaabay madaxweyna, ayaa waxa ay ka shaqayn doonaan, qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka, oo ku beegan 26 bishan June ee aynu ku guda jirno