Madaxweyne Lafta-gareen oo ku wajahan degmada Xudur

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya C /casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta la filayaa inuu gaaro  degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Amaanka wadooyinka soo gala degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa maanta  aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka Lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed.

Qaban qaabada Soo dhaweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed soomaaliya ayaa ka soconaysa Degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay tagaan Degmada Xudur waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxda Maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo Shacabka  ku nool degmadaasi.