Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo aragtidiisa ka dhiibtey doorashada qof iyo cod ee dalka

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlad-goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa hadlay aragtidiisa ku aadan in Soomaaliya sanadka soo socda ee 2021-da ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah inkastoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dalkaan ka hirgalinayso doorasho qof iyo cod

Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaan ayaa sheegay in aqtigu beeniyay in Soomaaliya horaanta 2021 ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, sababo la xariira diyaarinta waxyaabihii aas-aaska u ahaa doorashada oo loo madalsanaa in ay sanadkaan noqoto mid qof iyo cod ah.

“Midda kale waxay weye ka sokow in dowladdu sheegtay in ay rabto in ay dalka ka fuliso doorasho hal cod iyo hal qof ah, haddana taasi waxaan is-leenahay waqtiga ayaa beeniyey, sababtoo ah waqtiga waa gudbay, hadda waxaa lagu jiraa xiligoodii ama ha noqoto labada aqal – Golaha Shacabka iyo Aqalka Hoose – ama ha noqto madaxweynaha oo bisha labaad ee sanadka soo socda xiligiisu ku eg-yahay, waxay taasi ka dhigan tahay suurtagalnimo la’aanta in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho guud oo hal qof iyo hal cod ah” ayuu yiri Wasiir Dhamanacad.

Inkasta oo ay wanaagsan tahay in talada dib loogu celiyo shacabka, dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay ka shaqeynta dhamaan howlaha muhiimka u ah arrintaa bilowgii xil-heynteeda.

Dhamanacad ayaa hadalkiisa raaciyay in ay jiraan dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Maamulkiisa iyo kan Faderaalka oo soo taagnaa tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni.

“Maalmahaan dambe oo dhan waxaa laga shaqeynayey suurtagalnimadda ah in uu dhaco wadahadalh dedaalkiisa wali ma rajo dhigin waa lagu jiraa howsheedii”

Waxaana rajeyneynaa in ay qabsoonto arrintaas Insha Allah, Puntland dhinaceena diyaar ayaan u nahay hadii Ilaahey idmo, waqtiga ugu suurtagalsan iyaddoo la xeerinayo arrimo badan oo dalka ka jira, ayuu u sheegay warbaahinta.

Maxaa intaasi dheer?

2-3 june waxa dhacay kulan dhanka Internet-ka ah oo dhexeeyay Xoghayn ka kala socotay Dowladda Faderaalka Soomaaliya,5 Dowlad-goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kulankaasi Puntland waxa ay ka sheegtay in aysan aqbalayn wax aan ka ahayn qabashada shir u dhexeeya Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir  8-10 June-2020, waxaana muuqata in kulankaasi uu suurta galiwaayay inkastoo dowlad-goboleedyada kale soo jeediyeen waqtiyada ay iyaguna u arkaan in ay ku haboontahay in kulankaasi la qabto.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ku shiray Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo dhanyahay waxaana lagu soo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, inkastoo xafiiska wasiirka 1 aad uusan qayb ka ahayn kulankii dhexmaray DFS iyo DGD.

Qorshahaan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Hase yeeshee qorshahan ayaa saxaafada loo soo bandhigin waxaana ay u muuqataa mid lagu furfurayo arrimaha siyaasadda dalka tan iyo markii uu dhowaan shaaciyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in ay dowladiisu bilaabayso qorshe lagu dardargelinayo sidii loo qaban lahaa doorasho.

Madaxweynayaashii hore ayaa dhawaan kulan laqaatay Gudoonka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya waxa ayna hordhigeen dalabyo ku saabsan in la cadeeyo waqtiga doorashada iyo qaabka ay noqonayso sida ilo xog-ogaal ah Mustaqbal u sheegeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah shaqsiga 2 aad ee ugu awooda badan dalka Marka la fiiriyo dastuurka ayaa lagu eedeeyay in uusan galaan gal u lahayn arimaha Masiiriga ah ee Doorashada dalka.

Arimaha doorashada oo aan inta badan kala cadayn ayaa la filayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu hadlidoono furitaanka kalfadhiga 7 aad ee labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya mana uunsan soo hadal qaadin waxaana jirtay in kulankaasi uu ka dhacay buuq ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo Madaxweynaha ku dhaliilay fashil hoggaamineed.

Dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda isku khilaafsan xilliga ay muhiinka tahay in la qabto shirka u dhexeeya Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka,waxaana Puntland iyo Jubbaland qabaan in shirku dhaco ka hor intaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka aysan hortagin Baarlamaanka Soomaaliya.

27-bishaan June ayaa lagu wadaa in Guddomiyaha guddiga Xaliimo Yaray ay hortagto golaha shacabka si ay u cadayso arimaha doorashada oo aad loo sugayo, lama oga saamaynta uu ku yeelan karo go’aanada ay gaaraan Madaxda Dowlada iyo kuwa Dowlad-goboleedyada dalka.