Maqaal:Doorashada Qof iyo Cod Ee Soomaaliya Maxaa Hortaagan

6-da Juun ee  2020, waxaa si rasmi ah loo  furay kalfadhiga 7 ee Aqallada Barlamaanka Federalka Soomaaliya. Kalfadhigan waxuu ku soo beegmay wakhti ay dalka ka jiraan caqabado siyaasi ah iyo kuwo ka dhashay cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Inkastoo, xildhibaano tiradoodu aan toban ka badnayn, sida warbaahinta madaxbannaan, oo aan goobjoog ehayn ay soo tebisay, kuwaasoo durbadiiba miis garaacid, hees, qaylo, iyo siiri la yeeriyo ku dhaqaaqay muddo qiyaastii la eg toban daqiiqo. Buuqa wuxuu liddi ku ahaa hadaljeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, misna waxaa suurtoggal noqotay in jadwalkii ay dejiyeen hab-dhowrayaasha aqallada la raaco.

Madaxweynaha ma uusan muujin caro iyo welwel toona, kaddib marka buuqa uu demay wuxuu sii watay hadalkiisi. Waxaa dhici karta in buuqa ujeeddadiisu ahayd inuu Madaxweynaha uu caroodo oo iskaga baxo Baarlamaanka. Markaas Kalfadhiga 7aad ma furmeyn mar haddii uusan furin Madaxweynaha sida Dastuurka uu qeexayo. Xildhibaannada buuqa ku kacay waxaa ugu magacdhheraa Xil. Xasan Cabdi Ismaciil (Xasan Yare) oo matilaya Jubbaland.

Howlaha shaqo ee horyaalla kalfadhigan waxaa ka mid ah dhamaystirka xeer-kaabayaasha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka xiga. Wax ka beddelka lagu sameynayo Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed iyo weliba dhagaysiga soo jeedinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka.

Isriixriixa siyaasadda ee u dhaxeeya Maamul goboleedyadda iyo Xukuumadda dhexe waxuu adkayay gudashada waajibaadka shaqo ee ay u xilsaarnaayeen Aqallada Barlamaanka, iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa doonaya in doorashooyinka qaranka ee soo socda lagu galo nidaamka 4.5, halka dowladda dhexe ku dheggan tahay in la hirgeliyo hannaanka doorasho ee uu ansixiyey Baarlamaanka. Labada nidaam ee ay ku kala dheggan yihiin labada dhinac, waxaa ku gaadaaman caqabado iskugu jira kuwa siyaasadeed, amni iyo dastuuri.

Bal aanu isweydiinee hirgelinta hannaanka doorasho ee ku salaysan beelaha ama 4.5 maxaa ka dhalan kara?

Shirkii Carta kaddib, dalka waxaa ka dhacay dilal loo gaystay oday dhaqameedyo lagu eedeeyay in ay ka qayb galeen, ansixin dastuur iyo soo xulid xildhibaanno. Taasi waxaa ka dhashay in odayaasha dhaqanka ay baqo-maalaan argagaxisada Alshabaab.

Bartamihii sanadii hore, ururka Alshabaab ayaa 45 maalmood u qabtay odayaasha dhaqanka iyo ergadii ka qayb galay soo xulista xildhibaanada dowladda Federaalka, inay isku diiwaangeliyaan, iyagoo loo ballan qaaday in haddii ay isdiiwaangaliyaan la siin doono dammaanad buuxda kuna aaddan inaan la dili doonin. Odayaal badan ayaa u hoggaansamay amarka Alshabaab, maadaama aysan ka helin dhanka dowladihii dalka soomaray gabaadsiin, iyo daryeel kale toona!

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay Alshabaab oo siinaya siminaarro odayaasha dhaqanka, islamarkaasna ay odayaasha qiranayaan inay ku kadsoomayn (qaldameen) ku lug yeelashada arrimaha siyaasadda, ayna ka “toowbad keeneen”. Tallaabadani waxay shaki gelinaysaa daacadnimada iyo kalsoonida lagu qabi karo xildhibaanno ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

Sida laga dharagsan yahay xildhibaannada haatan ku fadhiya kuraasta iyo kuwii ka horreeyayba waxaay ku yimaaddeen badidood isdhaafsi lacageed iyo laaluush. Tani waxay kala fogaynaysa xildhibaannada iyo shacabka ay matalaan.

Haddaba, hirgelinta hannaanka doorasho ee ku salaysan sharciga doorashooyinka ee uu ansixiyey Baarlamaanka maxaa ka dhalan kara?

Hirgelinta hannaankan ma ahan mid ka hufan ceeb, balse waxuu suurtaggal ka dhigayaa seddex arrimood: (1) inay codeeyaan tirada ugu badan ee muwaaddiniin ah,

(2) inay meesha ka baxaan odayaasha qaadan jiray laaluushka si ay u soo xulaan xildhibaanno, iyo

(3) inay dadka iskugu tolmaan axsaab, iyo afkaar, taasoo meesha ka saaraysa inay dadka isku bahaystaan beelo, waana bilowga dimoqaraadiyada.

Balse hannaankan waxuu u baahan yahay labo arrimood:

(1) in dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ay ixtiraamaan sharciga doorashooyinka iyo go’aammada Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyo

(2) in la helo waqti ku filan oo lagu hirgeliyo doorasho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Xil. Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in Madaxda Maamul-Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo shir iskugu yimaaddaan ka hor 25 June, si ay uga arrinsadaan arrimaha doorashooyinka.

Hadabba go’aanka Gudoomiye Cabdi Xaashi, ma waxaa loo fasiran karaa inuu u dhago nuglaaday baaqyada ka soo yeeraya Beesha Caalamka, una dhiganta “Roadmap”, ama waxaa jira qodob dastuuri ah oo u ogolaanayo inuu qaado talaabadaan, mise waa mid nabad-doonimo, iyo tallo waayeel ah.

Aqalka Sare waxuu matalaa danaha siyaasadda ee maamul goboleedyada. Aqalka Sare waxaa horyaalla dhammaystirka sharuucda kaabaysa sharciga doorashooyinka iyo in dib-u- eegis uu ku sameeyo sharciga xisbiyada, si loo waafajiyo sharciga doorashooyinka.

Hadabba su’aasha hortaal Xil. Cabdi Xaashi ayaa ah haddii ay ka wada xaajoonayaan doorashada dalka, madaxda maamul goboleedyada iyo xukuumada, waa maxay baahida loo qabo jiritaanka Aqalka Sare? Waxaa intaas dheer, shirka uu ku baaqay Gudoomiye Cabdi Xaashi, maqaam noocee ah ayuu uga soo qayb galayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe, oo doorashadiisa aysan aqoonsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DFS?

Tallaabooyinkan oo uu qaaday Guddoomiye Cabdi Xaashi, durbadiiba waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Gudoomiye ku-xigeenkiisa labaad Xil. Mowliid Guhaad. Waana khilaaf abuuri kara jahawareer siyaasadeed oo hor leh.

Dhanka kale, Mudaneyaasha Sheikh Sharif iyo Xassan Sheikh ayaa kulammo la qaatay Guddoonka Barlamaanka, waxay ka wadahadleen ilaa maanta kama soo bixin faahfaahin ama war jaraa’id. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya inay dhinacyada diiradda saareen arrimaha doorashooyinka.

Shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynnayaashii hore Xassan Sheikh iyo Sheikh Sharif, ayaa ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase siyaasadeed, maadaama aysan caddayn nooca doorashada! Islamarkaasna uu doonayo in la muddadhaafiyo doorashada. Waxayna ku hanjabeen inay qaadayaan talaabooyin.

Furitaanka kalfadhiga kaddib, waxay ahayd inuu Baarlamaanka gudaggalo  dhamaystirka sharuucda horyaalla ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Balse taa baddalkeeda Guddoonka Barlamaanka waxay dhumiyeen shaqo seddax maalin, oo ay wax badan ku qaban kareen.

Dhanka kale, dalka waxaa ka diiwaangashan axsaab kor u dhaafaya 70, Su’aasha hortaal Guddoomiye Mursal ayaa ah waa maxay mudnaanta ay kala leeyihiin axsaabta?

Intaas waxaa dheer, Mudane Xassan Sheikh iyo Sheikh Sharif inay  hareer-mareen nidaamka dowliga, islamarkaasna ka qayb galeen caleemasaarkii doorashadii ay hareysay ku shubashada iyo fadexada kaddib markii ay caleemasaarkii Axmed Madoobe ka soo qayb galeen wakiillo shisheeye oo aan heysan dalkugal!

Waxaase in wax la iska weydiiyo mudan, halkudhiga ay adeegsadaan Mudane Xassan Sheikh iyo Sheikh Sharif  oo ah inay qabteen “doorasho wakhtigeeda aan dhaafin!” Miyeysan ogayn in Sheikh Sharif muddo sanad ah uu ugu daray Madaxweyne Yuweri Museveni, halka Mudane Xassan Sheikh uu ku darsaday 6 bilood. Ku darsashada ka sakow, waxay labaduba ka sinnaayeen inay hawlgab ka dhigeen Baarlamaanka.

Hadabba, si loo yareeyo faraggelinta shisheeyaha iyo lacagta lagu soo daabulo dalka xilliyada doorashada waa inay dalka ka dhacdaa doorasho ay ka qayb galaan inta badan, islamarkaasna fursad la siiyo hirgelinta sharciga doorashooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u soo doortaan wakiillo matala danahooda.

Iyadoo laga jawaabayo codsi ka yimid Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxaa bishii Nofember 2013 Soomaaliya booqday guddi ka socday QM, kaas oo ka dib markii uu qiimeeyey baahida hortaal hawlaha doorashada ku taliyey in Soomaaliya loo fidiyo taageero dhowr waji leh oo taabushaha doorashooyinka la xiriirta.UNSOM waxaaa awood loogu siiyey qaraarrada Golaha AmmaankaeeQaramada Midoobey ee tirsigoodu yahay 2102 (2013) iyo 2275 (2016) in ay taageerto diyaargarowga hannaanka doorashada 2016 iyo tan lugu wado in dadweynahu u codeeyaansannadka 2020.

Iyad oo laga duulayo Xirmada Heshiiska Cusub ee Soomaaliya (Somali New Deal Compact), Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay asteysay Shan Yool oo nabadda iyo dowladnimada lugu dhisayo (PSGs). Diiradda Kooxda Isku-dhafka ah ee QM u qaabilsan taageeridda Doorashooyinkuna waxay ku foogan tahay Yoolka 1-aad (Siyaasad loo dhanyahay). Ujeeddada istaraatijiyadeed ee Yoolka 1-aad waa in la gaaro Soomaaliya Federaal ah, nabdoon islamarkaana xasilloon, taas oo loo marayo hannaan siyaasadeed loo dhanyahay.

AFEEF:  Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Awdinle Online. Awdinle Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.