Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ee jabuuti Maxay kawada hadli karaan

Dalka Jabuuti waxaa ka socda abaabul ku saabsan kulan la qorsheynayo in uu dhexmaro Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka waxaa martigeli ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Garwadeyn ka ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo wakiilo kala duwan oo aan la shaacin.

Muqdisho iyo Hargeysa waxaa ka kala safraya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha DFS iyo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka Somaliland, labada dhinac wufuud kala duwan ayaa socdaalkooda ku wehlineysa.

Magaalada Addis Ababa waxaa ka socdaalaya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Wasiirkiisa Maaliyadda Axmed Shide iyo Guddoomiyaha Cusub ee Aqalka sare Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim.

Jabuuti waxaa xaadir ku ah Wakiilo kala duwan, Madaxweynaha Martida loo noqonaya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo hormuudka iyo howlwadeenada Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo tan Jabuuti.

Qorshaha shirka waxa uu yahay Berri oo ah Axad kuna beegan 14-ka Juun sanadka 2020-ka, inkasta oo uu kulankoodu ku xiran yahay hadba sida ay u gaaraan madaxda kulmeysa iyo kuwa dhexdhexaadinaya.

Wali kama aysan hadlin Madaxtooyada Dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya, tan Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dhinacyada hormuudka u ah isu keenidda labadaan dhinac oo mar kaliya kulmay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BFS 6-dii bishaan uu soo dhaweeyay in wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland dib loosoo celiyo.