Wafdigii Madaxweynaha Somalilan oo gaarey dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey oo hiirtii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti.

Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda,  Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Wafdiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski.

Sidoo kale waxaa horay dalka Jabuuti u tegay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed, iyada oo saacadaha soo socda uu gaari doono Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.