Hadal jeedinta Xaliimo Yaray iyo Todobaadka Xoriyadda Maxaa isku soo beegay?

Gudoomiyaha Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xalilmo Yaray ayaa qorshuhu ahaa in ay hortago baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya 27 bishii May ee sanadkaan 2020, sida waafaqsan sharciga guddiga doorashooyinka Qaranka, hayeeshee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dib u dhigay muda bil ah.

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa sheegay in ay dib u dhigeen 24-tii May 2020, qorshe Guddiga Doorashooyinka ay ku hortagi lahaayeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya si ay ula wadaagaan xog ku saabsan Doorashada dalka ee dabayaaqada sanadka 2020-ka illaa horaanta sanadka soo socda 2021-ka, iyaga oo geeyay 27 June sanadka 2020 oo ku beegan todobaadka xoriyada dalka.

Guddiga ayaa sheegay in Sababo dhowr ah dib loogu dhigtay in xubnaha guddiga ay ku hortagaan BFS, iyaga oo wada macluumaadka Doorashada dalka oo muddo laga sugayay, waxaana dhawaan ay la kulmeen Guddiyada Joogtada Baarlamaanka oo go’aamiya ajendayaasha iyo fadhigoodaba.

Hayeeshee waxaa jira xoggo muujinaya in Dowladda Faderaalka Soomaaliya qorshohoodu ahaa markii horaba in dib loo dhigo xilliga guddigu hortagayaan golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sidaasna loogu aadiyay todobaadka xoriyada dalka oo xildhibaanadu fasax ku jiraan.

Xubnaha Mucaaradka ah ayaa dhaliilsan sida wax loo wado, waxaana ay shaki geliyeen in dalka laga laga hirgeliyo Doorasho loo dhanyahay, sababtu waxa ay ku sheegeen in sida wax u socdaan, waqtiga harsan golayaasha dowladda, caqabadaha jira iyo in Dowladu ku mashquulsantahay Mudo kororsi.

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka dalka ayaa sheegay in guddigu u diyaar garoobeen hortagista Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya si looga doodo xilliga ay dhacayso doorashada guud ee dalka oo sanadkaan isha lagu hayo qaabka ay u dhici doonto qaab baarlamaaniga ah, qof iyo cod ama si kale oo duwan laakiin ay muuqdaan waxyaabo u eg in shaqadooda lagu faragalinayo sida in markii 2 aad dib loo dhigayo xilligay hortagi lahaayeen golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubanahaan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay sugayeen sida sharciga doorashadu qabo in ay 6 bilood ka hor maalinta doorashada loogu talogalay ay hortagayaan baarlamaanka Soomaaliya layeeshii dib looga dhacay waqtigaas sidoo kale aan wali la ogayn waqtiga rasmiga ah.

Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee sharciga doorashada dalka ayaa qaba in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay mudeeyaan waqtiga ay dhacayso Cod bixinta 180 maalmood ka hor.

Hadana Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa baarlamaanka federaalka ah uu guddi gaar ah u saaray sameynta habraacyada doorashada, waxaa kale oo isla goleyaasha sharci-dejinta horyaalla sharciga xisbiyada oo dib u eegis ku jira, welina dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada kama heshiin nooca doorashadu ay noqonayso.

Siyaasiyiinta ayaa qaba in ay adagtahay in Doorashada dalka ee sanadka soo aadan aysan noqo karin mid qof iyo cod ,in kastoo Xukumada Soomaaliya ay wali ku adkaysanayso in dalka ay ka dhacayso qoorasho qof iyo cod ah horaanta sanadka soo aadan ee 2021.

Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey in Dowladda hada jirta aaney daacad ka aheyn doorasho qof iyo cod ah in ay dhacdo 2020-ka iyada oo la diiwaangeliyey 82 xisbi oo aaney ku jirin midka xukuumadda hada talada haysa, taas oo keentay walaaca laga qabo dib u dhaca doorashada.

Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga Doorashooyinka, waxaana saxiixay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xeer madaxweyne kusoo saaray, isaga oo sheegay in dalka uu galay marxalad doorasho.