Madaxweyne Farmaajo Muxuu ugu baahan yahay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee kujira DFS?

Siyaasiyiinta dowladda dhexe ku metela Somaliland oo magaalada Muqdisho ku qabtay kulan guud ayaa muujiyey sida ay u diiddan yihiin ugana xun yihiin habka madaxweyne Farmaajo u maareeyey heerka kaqaybgalka Wadahadalada  Dowladda dhexe  iyo Somaliland oo ka furmay magaalada Jabuuti 14-June-2020, madaxweyne Farmaajo oo islamarkii uu dalka dib ugu soo noqday 15-June-2020 la kulmay siyaasiyiintan qaarkood ayaa isku deyey in uu xal u helo arrinta hayeeshee natiijo fiican kama soo bixin kulan gaaban oo dhexmaray MW Farmaajo iyo metelayaasha Somaliland, waxa ayse u sheegeen madaxweynaha in ay si adag uga jawabai doonaan go’aankiisa ku aaddan Wadahadalada dowladda dhexe iyo Somaliland oo ay ku sheegeen in aan wax talo ah laga siin.

Kulan kale oo la xiriira xal u helidda tabashada xubnaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta kale ee Somaliland ku metela dowladda dhexe ayaa lagu wadaa in uu 16-17-June-2020 kadhaco magaalada Muqdisho, ujeedada kulankaas waxa ay xubno kamid ah Baarlamaanka federaalku u sheegeen Mustaqbal in madaxweyneuhu raadinayo xal laga gaaro arrintan.

Raisalwasaare ku xigeenka xukuumadda Avv: Mahaddi Maxamed Guuleed oo hoggaaminayey siyaasiyiinta Somaliland ee la kulmay madaxweynaha ayaa u muuqda in uu ka tegeyo islamarkaana luminayo taageeradii weynayd ee uu u hayey madaxweyne Farmaajo isaga oo iskudeyaya in uu si muuqata ugu dhowaado Raisalwasaare Kheyre.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Jacfar, RW ku xigeenka Guuleed & Xildhibaan Gaafow

Siyaasiyiin iyo xildhibaano taageersan Raisalwasaare Kheyre ayaa dadaal badan geliyey sidii Mahdi Maxamed Guuleed looga saari lahaa gacanta madaxtooyada looguna biirin lahaa safka raisalwasaare Kheyre, waxa ayna arrintani xiriir la leedahay tartanka doorashooyinka 20/21 ee la filayo in ay ka dhacaan waddanka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u baahan yahay codka iyo taageerada xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland taas oo haddii uusan wada helin ama uusan ku guleysan inta badan lagayaabo in ay kaladhantaasho hankiisa in uu xilka madaxtinamada waddanka ku soo noqdo.