Faaf faahin ka soo baxaysa Qarax lala eegtay dad shacab ah

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in miinada ay la kacday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad shan qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay dhaawacmeen tiro kale oo shacab ah, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Weli lama sheegin dad lala eegtay qaraxaa,waxaana si caadi ah kusoo laabatay halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo Ciidamada Booliska ay howlgal ka sameeyeen agagaraka halka uu qaraxa ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaq meesha uu qaraxu ka dhacay.