Sababta ay isku casishay Madaxii Wada-xaajoodka Ganacsiga ee Soomaaliya ee Geneva?.

Madaxii Wada-xaajoodka Ganacsi ee Soomaaliya u joogay Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, Maryan Xasan ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay Xilkaasi.

Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xalay u gudbisay Is-casilaadeeda, waxayna cabasho ka muujisay Saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS oo ay xustay in ay iyada ku hayeenDibindaabyo iyo inay si joogto ah u wiiqaan Waxqabadkeeda.Image may contain: 1 person, text that says 'Maryan Hassan @MimiHassan 1h THREAD: Tonight I tendered my resignation to His Excellency, @M_Farmaajo. It has been a huge honour to represent my country at the @WTO in my capacity as Somalia's first Chief Trade Negotiator. Despite the full support of the President, was undermined at at every turn. (1/3)'

Waxay Nasiib-darro ku tilmaamtay inay Saraakiil Sare isbuucii hore baabi’iyeen waxqabadkii iyo Horumaradii ay samaysay, taasi oo horseeday Qalalaase Diplomaasiyadeed.

Qoraalkeeda waxay kaloo ku xustay inaysan ahayn Siyaasi, balse ay tahay Xirfadle, iyadoo saluug xooggan ka muujisay qaabkii ay Saraakiishaasi kula dhaqmeen, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Madaxii Wada-xaajoodka Ganacsi ee Somalia u joogay Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, Maryan Xasan waxay u mahad celisay Saaxiibada Taageera ee DFS iyo Villa Somalia.

Waxay kaloo u mahad celisay Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo iyagu markii ugu horeysay Codsiga Soomaaliya ee xubinimada Ururka Ganacsiga Adduunka ee World Trade Organisation (WTO) iyo inaan shaqadii u horeysay ku bilaabo La-taliyaha Guud ee dhanka Sharciga.Image may contain: 1 person, text that says 'Maryan Hassan @MimiHassan 49m I would like to thank my supportive colleagues at the Villa&FGS. This is my fifth year serving the FGS & so I must also thank the former administration that first submitted Somalia's request to the WTO & of which gave me my start as Chief Legal Adviser to the then PM. END (3/3)'

Ma aysan carabaabin Saraakiisha ay dartooda isaga casishay Xilkaasi, balse, waxay hoosta ka xariiqday inay Sharaf weyn u ahayd in ay Soomaaliya ku matasho Xilkaasi muddadii shanta sano ahayd ee ay joogtay Xarunta Dhexe ee Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO.

Ururkaasi oo la asaasay sanadkii 1994-tii, waxaa xubno ka ah 123 Waddan, iyadoo ay Soomaaliya codsatay Xubinnimada Ururkaasi bishii December ee sanadkii 2015-tii, balse Ururka WTO waxay magacaabeen Guddiga dib-u-eegista Codsiga Somalia bishii December ee sanadkii 2016-kii.