Antonio Gutters ayaa ka hadlay dhibaatooyinka laga dhaxlay Covid-19

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa ka hadlay dhibaatooyinka laga dhaxlay Covid-19 ee wali taagan iyo kuwa mustaqbalka dhaw soo ifbixi doono marka la eego sida ay wax u socdaan.

Antonio ayaa sheegay in dalalka ku horumaray dhinaca dhaqaalaha ay dareemayaan dhibaatooyin iyo culeys kaga imaanaya dhaqaale yarida laga dhaxlay cudurka, balse waxa uu is weydiiyay wadamada faqiirka sida ay noloshoodu noqon karto.

Khudbad uu kaga hadlayay xaaladda guud ee la socodka dhibaatooyinka wadamada soo wajahay waxa uu tilmaamay in aysan lagama maarmaan noqoneyn gacansiinta dalalka heerkoodu waxsoosaarka ama daqligoodu hooseeyo si looga fogaado dhibaatooyin horleh.

“Dhibaatooyin Muuqda iyo kuwa laga cabsi qabo oo la dareen qabo ayaa laga dhaxlay Covid-19, waxaa qaylo dhaaminaya dalalka dhaqaalaha ku hormaray, bal kawaran kuwa faqiirka ah ama liita sida ay xaaladdoodu noqon karto, waa in aynu u istaagnaa sidii wax looga qaban lahaa arrintaas” Antonia Gutteres.

Warbixinno is xig-xigay oo marar kala duwan kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaa ka muuqda walaaca saameynta cudurka Coronavirus oo muddo xayiray dalalka caalamka, wadamada qaar ayaa gaaray go’aan ay ku tijaabinayaan sidii ay u qaadi lahaayeen xannibaadda ay kol hore isu saareen.