Madaxweynaha PUNTLAND OO DIGNIIN U DIREY SOMALILAND

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta axad tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Maamulkiisa ayaa Somaliland ugu baaqay in ay “si nabad ah oo sharaf leh uga baxdo” dhulka ay haysato ee Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Deni oo xerada Xorgooble tababar ugu soo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidamadda maamulkan ayaa carabka ku adkeeyay in Dowlad-goboleedkiisa ay ka go’an tahay difaacida dhulka iyo waxa uu ugu yeeray xuduudaha Puntland.Image may contain: one or more people, shoes and outdoor

Xilli uu ka dhawaajiyey in ay soo dhaweynayaan wadahadalo lagu kala baxo, Deni ayaa hoosta ka xariiqay in aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Puntland ee ku cad dastuurka Maamulkiisa.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland si sharaf ah dhulka iyo dadka Puntland ay joogto uga baxdo. Dhiig walaal ma dooneyno, derisnimo ayaan rabnaa, wanaag iyo horumar baan rabnaa. Waxaanan marna ka yeelayn oo dastuurka federaalkuna qodobkiisa 142aad uu farayaa in dowladda Puntland inta dastuurka federaalka ee qabyadda ah loo qaadayo afti kama dambeys ah in ay Puntland ku dhaqmeyso dastuurkeeda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.Image may contain: 1 person, outdoor and closeup

“Waxaa sidoo kale dastuurka Puntland uu farayaa in xuduudaheeda way cayiman yihiin shantii gobol iyo degmadii Puntland lagu aas-aasay dadkii deganaa ay aas-aasteen, waa waajib dusha ka saaran Puntland cid ka gorgortami karta oo dastuur iyo sharci uu siinayo ma jirto” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan caalamka u sheegeynaa in ay dastuurka Soomaaliyeed akhriyaan marka ay rabaan dadka Soomaaliyeed in ay wax taraan, dastuurka Soomaaliyeed wuxuu si qeexan u caddeynayaan, dastuurka Puntland uu qeexayaan, dhulka Puntland waa cad-yahay, dowladda Puntland ayaana mas’uul ka ah, cid kale oo gorgortan iyo wadahadal ka geli karta ma jirto,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana dhowr jeer degaanadaas ku dhexmaray dagaalo qaraar, sidoo kale waxaa ku sugan maleeshiyaad u abaabulan hab jabhadeed oo marba dhinac taageera.

Deegaanadaas oo la sheegay in ay qani ku yihiin Macdanta ayaa sidoo kale waxaa fara galin ku haayo Dowlado caalami ah oo hungu taagaya badeecada halkaasi taalla iyaga oo u maraya dhinacyada isku haaya talada deegaanadaas.Image may contain: one or more people, sky, basketball court and outdoor

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa soo hadal qaaday in DFS isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

“Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka lagarabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Sadexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha” ayuu ka sheegay munaasabada uu tababatka ku soo xiraayay.Image may contain: 1 person

Madaxweynaha Puntland oo Maamulkaasi xukumayay tan iyo hooraantii 2019 ayaa sidoo kale beesha Caalamka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan lacagaha ay ku bixiyaan Amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in aysan soo gaarin Maamulkiisa.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DFS, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.Image may contain: 4 people, people standing