Dr. Aadan Kaynaan Wehliye oo loo doortay xil sare

Dr. Aadan Kaynaan Wehliye  ayaa maanta loo doortay Xoghayaha Cusub ee Kooxda Xildhibaanadda Xisbi Xaakimka Jubilee Party  (Jubilee Parliamentary Group (PG) ee ka tirsan Barlamaanka Kenya.

Aadan Kaynaan oo laga soo doortay Degmadda Eldas ee laga soo wareejiyay  Galbeedka Wajeer ayaa loo doortay Xoghayaha Cusub ee Xisbi Xaakimka Jubilee Party  ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Kenya Uhuuro Kenyantta.

Magacaabistiisa waxaa looga dhawaaqay Shir ay maanta yeesheen Xildhibaanadda Kooxda Xisbiga Jubilee Partyee uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta guddoomiyaha ka yahay.

Aadan Kaynaan Wehliye waa Xildhibaanka ugu muddada dheer Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobalka W/Bari ee dalkaasi ee xubnaha ka ah Barlamaanka dalka Kenya.

Isbadalka ayaa sidoo kale saameeyay Hogaamiyihii Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Adam Bare Ducaale iyadoo hogaamiye cusub loo doortay hoggaamiye cusub Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Amos Kimunya.

Isbedelada waxaa la sameeyay intii uu socday shirkii Kooxda Isbahaysiga Barlamaanka Jubilee ee uu shir guddoominayay Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta.

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa laga qaaday xilkaasi.