Maalintii Labaad Oo Banaanbax Ka socda Magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maalintii labaad banaanbax ka dhigay dbadbax ballaaran oo ay dhigayeen Dhalinyaro sheegay in loo diiday askarnimo oo markii hore loo ogolaaday.

Dhalinyarada banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay xireen ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha Beledweyne, iyada oo banaanbaxooda siweyn looga dareemay Gudaha Magaalada Beledweyne.

Dhalinayarada qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo 6 bil kahor ah lagasoo aruuriyay baadiyaha gobolka Hiiraan,isla markaana loo sheegay in la’askareeyn doono, balse dowlada federaalka ay xulatay 50 dhalinyaro ah, dhalinyarada kalena loo sheegay inaan loo baahneeyn.

Waxaa ay dalbadeen in loo fuliyo balan qaadkii loo sameeyay ee ahaa in la askareyn doono,hadii kale ay banaanbaxa sii wadi doonaan ilaa iyo inta cabashadooda laga jawaabayo.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga ilaa hada kama hadlin banaanbaxaan ay dhigayaan qaar kamid ah dhalinyarada ku nool degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.