Guddoomiye Cabdi Caashi oo sheegay in been abuur lagu sameeyey xeerkii dhameystirka Sharciga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare  ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Caashi Cabdillaahi ayaa sheegay in been abuur lagu sameeyey xeerarkii dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Gudiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen,Isla markaana mid aan aheyn in la hor geeyey Golaha Shacabka.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay in Afartii xeer ee la xiriira doorashooyinka oo ay Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka u gudbiyeen Baarlamaanka uusan aheyn kii saxda ahaa lana bedelay sida ku cad qoraalka oo nuqul ka mid ah Soo gaaray Mustaqbal.

Qoraalka oo la ogeeysiiyay Madaxda Sare ee dalka,Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa loogu baaqay Golaha Shacabka in ay joojiyaan ka doodista Xeerarka ilaa iyo inta laga saxayo dibna loogu laabanayo qoraalkii saxda ahaa ee Xeerarka doorashooyinka sida Gudoomiye Xaashi ku dooday.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa la faray inaysan doorashada ku saleyn xeerarka Golaha Shacabka ay qaar ansixiyeen qaarna ka doodayaan,iyada oo aan sixid lagu  sameyn sida ku cad qoraalka Aqalka Sare.

Halkaan ka aqri qoraalka Aqalka Sare.

No photo description available.Image may contain: textImage may contain: textAfartaan Xeer oo laba ka mid ah golaha shacabka ay ansixiyeen kuwa kalana ka doodayaan ayaa kala ah Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.