War deg deg ah Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigha oo Shaqadda laga aryay

June 24, 2020 (Awdinle Online) – warar iminkadan naga soo gaaray xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegeya in shaqada laga eryey agaasimaha Wasaaradda gaashaandhiga jihaan Cabdulaahi xasan.

Sababaha shaqada looga eryey ayaa lagu sheegey in waayahan dambe uu is qab qabsi ka dhaxeeyey jihaan iyo la-taliyaha arimaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse, arimaha la isku qabtay oo dhaqaale ayaa waxaa ay sababtay in jihaan shaqada laga qaado, loona isticmaalo awood iyo dan gaar ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya laga yaabo in jihaan lagu eedeeyo musuqmaasuq iyo arimo kale, sida ay noo sheegeen dad xoog ogaal ah.