Madaxweynaha konfur galbeed Oo Kormeer Ku Tagay Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed soomaaliya mudane cabdicasiis xasan maxamed  (lafti-gareen) ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Wasaraadaha maamulkiisa .

Mudane (lafti-gareen)  ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Xarumaha Wasaaradaha masuuliyiin ay ka mid ahayaeen Wasiir ku-xigeeno ,wasiirada ,iyo agaasimayaasha Wasaaradaha

Kulan ku saabsanaa is xog-wareysi la xiriiray  qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradaha  ayuu Madaxweyne cabdicasiis xasan maxamed  la qaatay Masuuliyiinta halkaas ku soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad goboleedka  ayaa kulanka ka dib kormeeray qaybaha kale duwan ee waaxeedyada wasaaradaha .

Madaxweynaha  ayaa masuuliyiinta ka howlgala xafiisyada dowlada  ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan , hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Kormeerkan maanta Madaxweynaha dowlad goboleedka konfur galbeed ku tegay xafiisyada wasaaradaha ayaa qeyb ka ah qorshayaasha isla xisaabtanka oo tiir dhexaad lama taabtaan ah u ah Siyaasadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyso Xukuumadda Madaxweyne cabdicasiis xasan maxamed  (lafti-gareen)

Villa kgs

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Manta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradaha oo Dib udhis Balaaran lagu sameeyey.

Posted by Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada KGS on Thursday, June 25, 2020