Xarunta Telefeshinka Universal ee Hargeysa oo la xiray.

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa maanta gudaha u galay xarunta Teleefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa sida lagu xaqiijiyay qoraal kooban oo lagu daabacay Bartooda Facebook-ga .

Sababta waxa ay ku sheegeen in Ciidamada loo yaqaan R.R.U.-da oo dhaqangelinaya amar kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, inkasta oo aysan sheegin sabab dhalisay amarkaas.

“Ciidamada R.R.U.Da Ayaa Si Rasmi Ah ula Wareegay Xarunta Tvga Universal Ee Hargeysa, Ciidamada Ayaa Nagu War Galiyay In Wasaarada Warfaafintu Bixisay Amarka Lagu Xidhay Tvga” ayaa lagu yiri qoraalka Tv-ga Universal bartooda lagu daabacay.

Hay’adaha ammaanka Somaliland ayaa dhowr jeer xiray Xarumo Warbaahin oo isugu jira Teleefishino iyo Wargeysyo, waxaana inta badan xiritaankooda loo cuksadaa baahintooda oo uu maamulku dhibsado.

Ilaa haatan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee dhalisay in la xiro, ciidamadana ay la wareegaan Xarunta Teleefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa.