Faallo:DIGIL IYO MIRIFLE OO KU DULMAN AWOOD QEYBSIGA DALKA EE 4.5 .

Digil iyo Mirifle qowmiyad ahaan waa dadka ugu tiradda badan Soomaaliya hadana waxay ku dulman yihiin qeybsiga awood dalka.

Tusaale markaad safar wadadda ku marto goboladda dalka magaalooyonkooda sida hadaad ka soo baxdo Garoowe oo aad u soo hayaanto Burtinle (Puntland) oo masaafo ka yareyn 40 km isu jira waxaad arkeysa hal ilaa labo tuullo oo ay ka dhisan yihiin seddex jingadood oo shan qof degan yihiin.

Sidoo kale Dhuusamareeb hadaad ka taagto oo Cadaado Galmudug) qabatid oo masaafo dheer isu jira waxaad arkeysaa hal ilaa seddex tuullo oo sidoo kale dhowr jiingad oo dhowr shaqsiyaad ay degan yihiin

Halka markaad ka tagtid Afgooye (KGS) oo aad qabatid tuulladda Jambaluul oo u dhexeysa toban km isu jiranna aad ku arkaysid in ka badan toban oo tuullo oo dad badan ay degan yihiin haystana guru, beero iyo agab kale oo badan

Waxaa lagu leeyahay dadkaas (D&M) waxay ku leeyihiin 8 xubnood aqalka sare halka Hawiye iyo Daarood oo magaalooyinkoodi iyo tuulooyinkoodii ay yar yihiim dad badanna ku nooleyn ugu yaraan at ku leeyihiin 14 xubnood aqalka.

Awood qeybsiga 4.5 waxaan u fahansahay beelaha waayweyn in si is le eg matalaad ugu yeesheen golayaasha shacabka oo ahayd sida laysku waafaqay haba ahaatee xal lagu dejinayay xaaladda Soomaaliya.

Maxay tahay yaraanta Digil iyo Mirifle ku haysata awood qeybsiga. Dalka.

Waa at ku dolman yihiin awood qeybsiga waana in qowmiyadda at ka dhiidhisaa!

Ogow matalaadu waxay door weyn ka ciyaartaa danaha iyo go aamadda qowmiyad saameyso sida mustaqbalka.

Matalaadda Muqdisho waxaa u maleynayaa in sidoo kale looga badan doono dadka deeganada konfur galbeed ka soo jeeda  .

Caddaalad darrada 4.5 laga sheeganayo, bal barbardhig ismuquuninta Baarlamaannada kale ee dalka ka jira badankood.

Aan ka guurno 4.5 laakiin yeynaan uga guurin nidaam ka sii caddaalad liita.

Qofkii yiraahda 4.5 waa laga guurayaa, iyada oo aan dadweynaha degmooyinka dalka la tirokoobin, cod bixiyayaashana aan la diiwaan gelin, ogaal ama ogaal la’aan, wuxuu roog cas u dhigayaa caddaalad darro ka darnaan karta 4.5.

Halisteedu waxay keeni kartaa in nidaamka dalku uu lumiyo xalaalnimada aan buuxin ee uu hadda haysto una shaqeyneysa.

Aan ka guurno 4.5

W/Q :Mohamed Yerow

AFEEF:  Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Awdinle Online. Awdinle Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.