Golaha Shacabka oo ansixiyay in gobolka Banaadir 13 kursi laga siiyo Aqalka Sarre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Gobolka Banaadir 13 Senator laga siiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

142 Xildhibaan ayaa u codeeyay, 4 Xildhibaan ayaa diiday xeerkaan oo mudooyinkii dambe ay taagneed dood ka dhalatay.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyada oo doob badan ka dhalatay ajandayaasha laga doodayo oo maanta aad xasaasi u ahaa.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhameystirka xeerka matalaada gobolka banaadir iyo hor imaatinka Golaha Shacabka ee guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yaray.

Kalfadhiga ayaa waxaa xaadiray 146 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha shacabka.

Tani ayaa ka dhigan in Aqalka Sare ay tiradiisa guud ay noqon doonto 67 Senator, halka markii hore uu ka ahaa 54 Senator oo Maamul goboleedyada ka socday.

Lasoco wixi ka soo kordha.