PUNTLAND OO QAA DHACDEY KA QEBGALKA SHIRKII DOWLADDA IYO MAMUL GOBLEEDYADA DALKA

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmiya uga baaqsatay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo sida qorshaysan 5-ta bisha soo socota ee July ka qabsoomi lahaaa magaalada Muqdisho.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa awdinle online u xaqiijiyay in Xukuumadda Puntland ay gebi ahaanba shirkaasi ka baaqsatay islamarkaana ay soo saari doonto war-saxaafadeed si faahfaahsan uga hadlaya sababaha ay uga baaqsatay Shirka.

Sidoo kale Baarlamanka Puntland ayaa waxa haatan u socda kulan deg deg ah oo ku saabsan go’aankii laga qaadan lahaa Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada soo socota kadib markii Golaha Shacabku ansixiyeen Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir.

Waxaanse weli caddayn go’aanka Baarlamaanka Puntland uu ka qaadan doono Arrimaha Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho iyo sidoo kale doorashada madaxtinimada ee 2020/2021.