Faroole oo ka soo horjeestay go’aankii Baarlamaanka ku ansixiyeen matalaada Gobolka Banaadir

Senator C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga soo horjeestay go’aankii Baarlamaanka ku ansixiyay matalaaddii Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir.

Faroole ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay sharci darro, waxaana uu ka digay in Madaxweynaha uu dalka ku wado god, kuna tumanayo dastuurka.

Waxaa uu xusay in aanay jirin cid dambe oo isu imaaneysa, isla markaana Madaxweynaha uu sharci darada kula shirkoobay Hoggaanka Golaha Shacabka.

“Dalkii god buu ku socdaa, Madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka”ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale waxaa uu is weydiiyay halka ay ka aadeen Madashii Mucaaradka ahaa sababta ay uga hadli waayeen go’aanka Baarlamaanka ee ansixinta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.